Warar 

Golaha Iskaashiga Dowald Gobolleedyada Oo Ka Hor Yimid Tallaabooyinka Dowaldda Federaalka, Sheegayna In Sameysan Doonaan Ciidan U Gaar Ah

Shirka Golaha iskaashiga maamul goballeedyada dalka oo afartii maalmood ee u danbaysay ka socday magaalada Garowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland oo ay ka qayb galeen madaxda afar maamul goballeed  ayaa waxaa kasoo baxay war murtiyeed ka kooban qodobbo dhawr ah oo taabanayay arrimaha amniga iyo siyaasadda.

War murtiyeedkaan ayaa lugu xusay in golaha maamul goballeedyadu ay kasoo horjeedaan  xeerka doorashooyin iyo xeerka xisbiyada kuwaas oo uu madaxwaynuhu dalbaday in ansixintooda ladadajiyo.

Sidookale  madaxda maamul goballeedyadu ayaa sheegeen in laga fiirsado dhisidda Golaha adeegga Garsoorka oo ay sheegeen in dawladdu qorshaynayso dhisiddooda ayadoon la marin hannaanka uu tilmaamayo sharciga dalka waxayna xuseen in aysan aqbali doonin wax kasta oo kasoo baxa.

Dhinaca kale; war murtiyeedkaan ayaa lugu sheegay in Golahu isku raaceen in la dhiso Golaha Aminga Maamul goballeedyada oo hormuud ka noqon doona aminga maamul goballeedyada dalka iyo in la abuuro ciidan isku dhaf ah oo ka kooban ciidanka daraawiishta maamul goballeeyada kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoreynta deegaannada gacanta dawlada goballeedyada ka maqan.

Halkaan ka akhriso war muriyeedka.

Warar kale oo la xiriira