Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Golaha Shacabka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad aqriyey maanta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, oo ay horay mar Goluhu u aqriyeen. Xoghayaha Gudiga Maaliyadda ee Golaha, Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Sharcigani ay soo hoos galayaan shuruuc fara badan sida kan Hanti Dhawrka, Iibka Qaranka iyo Maamulka Daqli Ururinta.

Dr. Cilmi Maxamed Nuur waxaa, isaga oo ka jawaabayey walaac ay Xildhibaanada qaar ka muujiyeen luuqadda uu sharcigu ku qoran yahay, oo ay ku sheegeen “Afsoomaali Jajab ah”, uu tilmaamay inuusan Hindise Sharciyeedkani xitaa ku qorneen Afsoomaali ka hor 1991-kii. Waxa uu sheegay in ay dhibaato weyn ka mareen in ay erey-bixinada Hindise Sharciyeedkan ku fadhiisiyaan Afsoomaali sax ah. “Shuruucda Maaliyadda waxay noo sameysmeen 1962-kii, waxayna ku qornaayeen Taliyaani ama Ingiriis- Soomaali kuma qorneen, waxayna taas keentay inaan ereyada qaar kasoo qaadano luuqadihii hore ee ay ku qornaayeen” ayuu yiri Dr. Cilmi.

Isagoo ku dheeraanaya fasiraad ka bixinta Hindise Sharciyeedkan Golaha hor yaala, ayuu Dr. Cilmi sheegay inuu mid ka mid ah meelaha uu mihiimadda weyn saari doono ay tahay waxa lagu saleyn doono miisaaniyadda ay Xukumaddu soo gudbin doonto, “iyada oo laga eegayo” buu yiri “meesha laga keenayo, sida loo qoondeynayo, ama loo maamulayo, haddii ay dhacdo in ay soo kororto arrin u baahan miisaaniyad gaar ah ama miisaaniyadi soo kororto waxa laga yeelayo iwm”.

Sida uu Guddiga Maamilyaddu sheegay, markii Hindisahani lagu sameeyey Aqrinta Koowaad, waxaa lagu soo daray, oo la waafajiyey aragtidii Xildhibaanada, iyada oo, sidoo kale, Aqrintaan Labaad ee la marsiiyeyna ay Gudiga Maaliyadda ee Goluhu kusoo dari doonaan Hindisaha, si marka Aqrinta Saddexaad laga gudbo loo geliyo cod uu Goluhu ku ogolaanayo in laga dhigo xeer.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi ayaa sheegay in marka la fiiriyo Hindisaha Sharcigaan uu wiiqayo awoodda Wasiirka Maaliyadda ee canshuur dhaafidda, iyada oo, sida uu sheegay, uu qasbayo sharcigan inuu canshuur dhaafidda ka qeyb geliyo Golaha Wasiirada, taas oo uu ku tilmaamay mid keeneysa “caga-jiid”. “Waxaad mooddaa inuu jiro iska hor-imaad ku saabsan awoodda Wasiirka Maaliyadda ee canshuur dhaafidda, isagoo ka hor iyo kadibba Golaha Wasiirada dhex keenaya canshuur dhaafkaas, si loola ogolaado, lagulana xisaabtamo, taasoo keeneysa caga-jiid” ayuu yiri Xildhibaan Ibbi.

Ibbi waxaa taas uga aragti duwan Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo sheegay in ay tahay in aan ka gudubno waqtigii uu qof go’aan u gaarayey qaranka , “inagoo sameysaneyna” buu yiri “siyaasad cad, oo go’aan noo gaareysa”. “Halkaan waxaa ka muuqata canshuur dhaaf, oo uu awooddeeda leeyahay Wasiirka; aniga waxaan qabaa in laga gudbo heer uu qof shaqsi ah go’aan gaari karo, oo loo gudbo heer aan ku go’aan qaadano siyaasad cad, oo aan degsanay” ayuu yiri Xildhibaan Cali. Hidisahan ayuu Xildhibaanku sheegay iney sax tahay inaan ka eegno uun in lagu dhiiragelinayo dhaqaalaha dalka.

Waxa uu xusay in ay suurtagal tahay in Wasaarad maanta jirta ay xili dowladeedka dambe noqon karto laba wasaaradood, saasdaraadeedna ay muhiim tahay in marka Sharcigaan la sameynayo lagu haayo maanka xaaladaha sidaas oo kale ah, si aan mar dambe dib loogu noqon Hidisahan, marka uu noqdo Xeer.

Xildhibaano dhawr ah ayaa ka dhawaajiyey in Hindisahani lagu soo qoray “Jamhuuriyadda Soomaaliya” halkii lagu soo qori lahaa “Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya”, sida ay Xildhibaano fara badani ku doodeen, “maadaama” bey yiraahdeen “dastuurku qiixayo in dalku yahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya”. “Markii hore ee Hindise Sharciyeedkan naloo keenayey waxaa ku qornaa Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee halagu soo celiyo sidiisii hore” ayuu yiri Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa waxaa kale oo uu ka dhawaajiyey inuu u arkay mid muhiimaddeeda leh in Hindisahani lagu dhex cadeeyey in aysan Dowlad Goboleedyadu dibadda ka doonan karin deen ee ay gudaha uun ka qaadan karaan. Qodobka arrinkaas ka hadlaya, oo u dhigan in ay Dowlad Goboleedyadu heli karaan deymo gudaha ah marka ay ogolaansho ka helaan Wasiirka, ayuu Xildhibaan Warfaa soojeediyey in lagu bedelo “marka ay ogolaansho ka helaan Dowladda Federalka ah”.

Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in ay muhiim tahay in markii la sameynayo sharci, sida kan maaliyadda oo kale ah, laga soo qaato wixii muhiim ah, qarankana anfacaya, shuruucdii hore ee uu dalku lahaa ka hor 1991-kii, si looga faa’iideeyo xeerarka uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameynayo qaranka. Hindisahan waxa uu sugayaa Aqrin Saddexaad oo kaliya, kadibna waxa cod u qaadi doona Golaha Shacabka, si markaas kadib ay ugu gudbiyaan Golaha Aqalka Sare, oo markuu ogolaado kadib u gudbin doona Madaxweynaha, si uu u saxiixo, iyadoo markaas kadib uu noqonayo Xeer (Sharci), oo uu kasoo gudbayo “Hindise”.

Warar kale oo la xiriira