Baarlamaanka Warar 

Wasiirka arrimaha dibadda oo hor tagay Aqalka Sare

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Muddane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shir guddomyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 4-aad.

Waxaa Warbixin laga dhageeystay wasirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda fedeeralka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka ayaa si faahfafahsan uga warbixiyay muhiimadda ay u leedahay wasaaradda iyo meelaha ay howluhu hadda u marayaan.

Wasiika ayaa ka warbixiyay wax qabadka wasaaradda , caqabadaha haysta iyo hishiiyada ay la galayaan dalalka caalamka

Wasiirka ayaana sheegay in uusan waqti badan heyn, oo ma jirin su’aallo badan oo la weydiiyay, waxaana la ballamay kulanka kale.

Warar kale oo la xiriira