Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka Oo Maanta Soo Gabagabeeyey Doodda Wax Ka Bedelidda Xeer Hoosaadka Golaha

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale Golaha u aqriyayay Xeer Hoosaadka Golaha. Xildhibaanada ayaa kulamadii ugu dambeeyey, oo dhan, qodob-qodob u dul istaagayey wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha, si waxna loogu daro, loogana saaro.

Xildhibaanadu waxay, si adag, uga doodeen qodob kasta oo ku jira Xeerkan, kuwaas oo ay qaarkood soojeediyeen in wax laga bedelo,  lagu sameeyo sixitaan iyo toosin iyo in waxa ka maqan, ee ay tahay in hadda la soo kordhiyo, lagu soo daro, kuwaas oo, sidoo kale, sii fasiri kara ama sii cadeyn kara qodobo horay ugu jiray Xeer Hoosaadka Golaha.

Qodobo badan oo waxaa jiray Xubnaha Goluhu isku meel ka wada arkaayeen, oo aysan isku diidaneen wax ka bedelkooda, soo kordhintooda ama ka saaristooda Xeerkan, hase ahaatee waxaa, sidoo kale, jirtay in ay Xildhibaanadu isku mari la’aayeen qodobada qaar, oo ay inba si uun isugu dhaweyd, marka la fiiriyo sida ay u wajahayeen wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, oo ah Xoghayaha Guddiga Xeer Hoosaadka iyo Anshaxa Golaha Shacabka ee Baarlamanka ayaa yiri “waxaan ka saari doonnaa Sharciga waxkasta, oo uu Goluhu isla garto, waxaana, sidoo kale, ka reebi doonna waxkasta, oo uu Goluhu u garto inaaney muhiim aheyn, waxaana tixgelin doonnaa soojeedinnada Mudanayaasha ee ku aaddan hab qoraalka iyo dardar-gelinta ka shaqeynta Shuruucada Golaha Shacabka ee Baarlamanka”.

Ugu damban, kulanka Golaha Shacabka ee maanta, oo dhawr saacadood qaatay, ayaa lagu soo gabagabeeyay doodii wax ka bedelka iyo sixitaanka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka. Guddiga ayaa u sheegay Xildhibaanada iney Xeerkani kasoo dhex muuqan doonaan dhamaan aragtiyada Xubnaha Golaha Shacabka ee lahaa kusoo darid wax ka maqan Xeerka, ka saaris, wax ka bedelid, sixid iyo toosin qodobada ku jira Xeerka hadda.

Warar kale oo la xiriira