Baarlamaanka Warar 

Jawaari Oo Markii Ugu Horeysay Kasoo Qeybgalay Kulanka Golaha Shacabka Isagoon Ahayn Afhayeen

Xildhibaan Maxamed Sh. Cusmaan Hawaari ayaa markii ugu horeysay kasoo dhex muuqday maanta Golaha Shacabka, isagoo Xildhibaan uun ah. Kaamerada ayaa qabatay, isagoo gees fadhiya Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac, oo ay dhex mareysay sheeko ay kuwada qoslayeen.

Inuu Kulamada Golaha Shacabka tago waxaa ugu dambeysay bishii Abriil, kadib markii uu iska casilay Jagada Afheenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Inkasta oo uu ahaa Xildhibaan, kama uusan qeyb ahayn wixii Golaha ka dhex socday kadib iscasilaaddiisii.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la arkayey iyagoo koox koox, hadba meel ka mid ah gudaha Xarunta Golaha Shacabka, ula istaagayey Jawaari, oo muddo shan sano iyo bar ahaa Afhayeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kasoo qeybgalkiisa Kulanka Golaha ee maanta waxay kusoo aadeysaa iyada oo uu Goluhu doonayo inuu cod geliyo Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo aqrinta markii ugu horeysay Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Liil Tirka Siyaasiinta.

Warar kale oo la xiriira