Warar 

Mukhtaar Roobow Oo Noqday Musharraxii Ugu Horreeyey Ee Musharraxnimadiisa Madaxweynaha K/Galbeed La Aqoonsado

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed, ayaa maanta siiyey shahaadadiisa musharaxnimo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo mar soo ahaa Guddoomiyihii Labaad ee Ururka Al-Shabaab. Tan ayaa ka dhigeysa inuu Roobow yahay Musharixii ugu horeeyey, oo ay Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed aqoonsadaan musharaxnimadiisa.

“Shahaadadii waa nalagu soo wareejiyey, wixii kalena in nalugu soo wareejin doono ayaan rajeyneynaa. Waxaan rajeynaa iney doorashadu u dhacdo si fiican, oo xalaal ah, ammaana ah, oo uusan dib u noqon ammaanka yaroon haysano, horay u socono, nin kasta calafkiisa loo quuro, ninkii nasiibkiisa waayana uusan dadka dhibin. Soomaaliya Soomaalibaa leh, Koofur Galbeedna anagaa leh” ayuu yiri Musharax Mukhtaar Roobow Cali, markii shahaadada la siiyey kadib.

Ugu yaraan, Illaa iyo toban musharax oo kale ayaa u jooga magaalada Baydhabo u tartamidda jagada ugu sarreysa Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, oo ah Madaxweynanimada Maamulkaas, kuwaas oo maanta iyo maalmaha soo socdaba qaadan doona shahaadadooda musharaxnimo, si ay ugu sharciyowdo u tartamidda xilka madaxweynanimo ee Koofur Galbeed.

“Diiwaan-gelinta shalay ayaan bilownay, maantana waxaan bilownay inaan shahaadada bixino, ninkii ugu horeeyey ee aan siinana waa Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka K/Galbeed, Carfaa Ibraahin Aadan,

Doorashada Koofur Galbeed waxaa ka harsan 12 maalin oo kaliya, waxaana war ay shalay kasoo saareen Golaha Aqalka Sare lagu sheegay inuu Aqalku ka walaacsan yahay fara-gelin lagu sameeyo Doorashooyinka maamulkaas, hase ahaatee wuxuu Goluhu ka degay wax kasta oo ka dhan ah iney doorashadaasi u dhacdo si xor iyo xalaalba ah. Aqalka Sare ayaa dhiirogeliyey iney shacabka Koofur Galbeed si wanaagsan uga shaqeeyaan iney doorashadaasi ugu dhacdo.

Warar kale oo la xiriira