War-Saxaafadeedyo Warar 

Dowladda Federalka Ayaa Ku Celisay Ineysan Aqbali Doonin Iney Doorashada Koofur Galbeed Dib U Dhacdo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa, markale, ku celisay iney qasab tahay iney Doorashada Koofur Galbeed dhacdo 17-ka Nofeembar, 2017. Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri ” Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada Dowlad Goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey, oo ah 17ka November 2018ka”.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay, sidoo kale, fartay in Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ay gutaan waajibkooda dastuuriga ah oo, sida  lagu qoray warqadda Wasaaradda, waxaa lagu yiri “Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirragelinaysaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed in, iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ay si daahfurnaan ah u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey, iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaasnhaha Koofur Galbeed”.

Wasaaraddu marnaba sooma hadal qaadin eedeymaha loo jeedinayo Dowladda Federalka ah iyo Hogaankeeda, ee qaarkood sheegaya in ay Dowladdu fara-gelineyso Doorashada Koofur Galbeed. Inta badan, islamarkiiba, ma dhacdo in ay Dowladdu si toos ah uga hadasho markii ay, sidaan oo kale, kacaan xasarado siyaasadeed, waxaana ay Dowlad Goboleeyadu ku eedeeyaan Dowladda Federalka ah iney dhageysato hadalkooda.

Warar kale oo la xiriira