Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiye Mursal Oo Kulan Ku Qaatay Madaxtooyada Dalka

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo xalay kulan ku yeesheen Villa Soomaaliya waxa ay iskaga xog wareysteen xaaladaha guud ee dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay doorashada Koonfurl Galbeed, kaddib tanaasulkii madaxweynihii hore ee Koonful Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay in wafdi uu hoggaaminayo Maxamed Mursal ay tagaan Baydhabo, sidii looga qeyb qaadan lahaa dadaallada socda iyo habsami u socodka howlaha doorashada Koofur Galbeed.

Warar kale oo la xiriira