Aragti Warar 

Xildhibaan Fiqi ayaa dhaliilay warqad ay dowladdu ku taageertay Sacuudiga

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi: Waraaqaha Af-Carabiga iyo Af-Ingiriiska ku qoran ee isku midka ah, halka marna la soo wada saaray, ahna markii labaad oo ay xukuumaddu warqad wiifto ah ka soo saarto arrinta dilka wariyihii Sacuudiga ahaa Khashoggi ee raqdiisa iyo ruuxdiisa la la’yahay, wasaaraddeena arimaha dibaddu ma waxey nagu matalaysaa in ay ayiddo “dilka 5 ruux oo loo maquuniyey in loo dilo arrintaas”?

Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Dalku ma halkaas ayey maraysaa, in xukunnada go’aanada garsoorka dal kale oo aan weli dhamaan aan qoortaysanno, lana soo dhoweeyo dad la yiri waa la dilayaa, ayadoo ay muuqato in laga caaajisay in laga hadlo dhibaatooyinka badan ee dalka ka jira ee ka hadalka u baahan?

Warqad kasta oo noocaan loo soo saaro, waxey dalkeena u ekeysiinaysaa waraaqihii Cabdalla Shideeye laga soo saari jiray, hana laga dhabeeyo oraahdii caan baxdey ee xilligii qiirada jaban ay jirtay la dhihi jiray “Gaajo gobonimo leh ayaa ka haboon dhereg gunnimo wadata”.

Warar kale oo la xiriira