Warar 

Guddoomiye Cawad: Deeqda waxbarasho ee ugu badan waxaan ka helnaa Suudaan

Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa, xili uu xafiiskiisa kula kulmayey masuuliyiin ka socotay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, waxa uu sheegay iney Suudaan tahay wadanka ay dadka Soomaaliya ka helaan deeqda waxbarasho ee ugu badan.

Waxa uu sheegay sheegay inuu Golaha Shacabku aad ugu riyaaqsan yahay garab istaaggaas waxbarasho ee ay Soomaaliya ka heleyso Suudaan. Isagoo muujinaya muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay waxbarashada ayuu yiri “waxa ugu qiimaha badan dhaqaale maaha ee waa waxbarasho”..

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay iney ka dowlad ahaan ku faraxsan yihiin in ay, sidoo kale, jaamacadaha Suudaan la leeyihiin xiriir jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarasho ee gudaha. “Kumanaan kun oo Soomaaliyeed ayaa deeq waxbarasho ka hela Suudaan, waana soo booqanayoo, waan aragnay” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Warar kale oo la xiriira