Baarlamaanka Warar 

Golaha Aqalka Sare ayaa Midiwga Yurub ka doonaya iney ka caawiyaan Soomaaliya Nidaamka Federalka

Golaha Aqalka Sare ayaa doonaya iney Midowga Yurub kaalin mug leh ka qaataan ka hirgelinta Soomaaliya Nidaamka Federalka. Isagoo fariintiisa marsiisanaya Dowladda Finland ayuu Aqalka Sare ugu baaqay Midowga Yurub inuu ka caawiyo Aqalka sidii uu si wax-ku-oolnimo leh u siin lahaa matalaad Dowlad Goboleedyada.

Arrintan wuxuu Aqalka Sare kala hadlay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, oo todobaadkan kulamo kula qaadanayey Muqdisho madaxda dowladda. Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, Mowliid Xuseen Guhaad, ayaa sheegay iney Virtanen isla garteen xoojinta awoodda Aqalka Sare.

“Waxaan islagaranay in Dowladda Finland ay gacan ka geysato dhibaatootinka soo noqnoqday, gaar ahaan waxa uu u taagan yahay Aqalka Sare” ayuu yiri Guddoomiye Mowliid. Waxa uu sheegay in ay u arkaan Finland in ay Yurub ka iibin karto siyaasad ay ku taageerayaan Federalka Soomaaliya. “Waxaan rajeeneynaa in ay Finland ka dhaadhiciso waddamada ay xubinta ka tahay ee Yurub sidii loo taageeri lahaa Nidaamka Federalka ku cusub Soomaaliya” ayuu yiri Mowliid.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa isaguna mar uu ka warbixinayey waxay Aqalka Sare ka wada hadleen yiri “Waxaan ka doodnay doorka Aqalka Sare, si loo hormariyo Nidaamka Federalka iyo dib u hishiisiinta, waxaana ka wada hadalnay hanaanka ay waxaas ku socdaan”.

Aqalka Sare waxa uu, sidoo kale, sheegay inuu Finland ka doonayo inuu ku caawiyo Aqalka sidii loo xalin lahaa qilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo lagu garab istaagayo maal, cilmi iyo farsamo, taas oo uu Mr. Samuli Virtanen aqbalay.

Warar kale oo la xiriira