• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Warar

Culeysyada sharci ee qabsan doona Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka marka uu xilkaas qabto

Kalfadhi by Kalfadhi
November 22, 2018
in Warar
Reading Time: 1 min read
0
Culeysyada sharci ee qabsan doona Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka marka uu xilkaas qabto

Xeerka Hanti-Dhawraha Qaranka waxa uu Golaha Shacabku meel marin doonaa Sabtida, sida uu sheegay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad. Inkasta, oo uu Xeerku awood siinayo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, waxa uu haddana majaraha ka xiraya markuu xilka ka dego kadib, sida ay qorayaan qodobada ku jira qaar.

Tusaal, waxaa uu Hanti-Dhawruhu xilkaas hayn karaa 10 sano ugu badnaan, wanaa marka xilka loo cusbooniisiiyo. Xili Madaxeedkiisa caadiga ah waa 5 sano, balse 10-ka sano waxa uu gaari karaa marka uu fursad u helo in  xilka markale loo magacaabo.

Inta uu xilka hayo waxaa sanad kasta baaraya Hanti-Dhawre uu soo magacaabi doono Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in Hanti-Dhawraha Qaranka qudhiisa la hubinayo inuu si sharciya u gudanayo waajibkiisa, si uusan ugu milmin xafiisyada kale ee dowladda.

Sida ku qoran Hindisaha Xeerka Hanti-Dhawrka, marka uu xilka Hanti-Dhawraha ka dego, ma qaban karo xil siyaasadeed, mana ku biiri karo xisbi siyaasadeed, waana culeyska ugu weyn ee uu Xeerkani saarayo Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka.

Intaas waxaa dheer inuu Hanti-Dhawruhu iska-casili karo xilka iyadoon la qasbeyn, isagoo u gudbinaya Madaxweynaha JFS. Iney maxkamadi xukunto ama uu dhinto ayuu, sidoo kale, xilka ku weyn karaa. Laakiin, Kalfadhi ma ogaan wali iney Hindisaha ku jirto inuu, si la mid ah markuu waqtiga xilka dhameysto, u weynaayo xuriyaddiisa gelidda siyaasadda, marka uu xilka ka tago isagoon dhameysan waqtigiisa.

Previous Post

Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ayaa sheegay inuu ka shaqeynta Dastuurka ku dhameynayo waqtigii loogu talogaly

Next Post

Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa wada-hadalada DFS iyo Somaliland ku tilmaamay go’aan qaran

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa wada-hadalada DFS iyo Somaliland ku tilmaamay go’aan qaran

Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa wada-hadalada DFS iyo Somaliland ku tilmaamay go’aan qaran

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com