Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare oo Dowladda Federaalka u gudbiyey waxa ay Dowlad Gobaleedyadu ka doonayaan

Guddi Gaar ah, oo uu Aqalka Sare u xil-saaray xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed diiradda lagu saaray xalka khilaafkaas soo jiitamay. Guddigu waxay sheegeen iney tixraaceen wada hadallo dhex maray iyaga iyo Guddi Wasiirro ah, oo uu Reysal Wasaare Xasan Cali Kheyre u xilsaaray in ay Xukumadda u matalaan wada xaajoodka.

Sanatar Cabdiraxmaan Faroole, oo Guddomiye u ah Guddiga 6-da Sanatar ka kooban ee Aqalka Sare ugu xil-saaran xallinta arintan, ayaa saxaafadda u jeediyay warka ay soo saareen, oo ka kooban qodobbo ay doonayaan in ay Dowladda Dhexe si dhaqsi ah u hirgeliso, kuwaas oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay soo gudbiyeen.

Qodobadaas ayaa isugu jira cabasho wadareed ay soo wada  gudbiyeen Dowlad Goboleedyada iyo cabashooyin gooni-gooni ah, oo uu Dowlad Goboleed kasta si gaar ah u qabo. Qodobbada guud ayaa waxaa ka mid ah:

1. Daadajinta dhamaystirka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee dalka

2. Ka Hawl-galidda Dhismaha Ciidanka Qaran iyo Sugidda Amniga

3. Ka Hawl-galidda Dib u Heshiisiinta iyo Midnimada Qaranka

4. Ka Heshiinta Qaabka Doorashada 2021-ka iyo Dhismaha Axsaabta

5. Xoojinta Nidaamka Federaalka Siyaasad iyo Dhaqaalaba

6. Mideynta Qorshaha Qaranka, sida Wax Qaybsiga Mashaariicda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Dawlada Dhexe ay yeelanayso go’aaminta meelaha ku haboon, ka hirgalinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo Bulsho ee Heer Qaran

7. Faragalin La’aanta Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed iyo

8. Dhisidda Guddiga Adeegga Garsoorka Qaranka iyo Dib u Habeynta Garsoorka.

Dhanka kale, waxaa war-bixinta ku jirta oo, sidoo kale, ay Guddigu codsadeen in dhaqsi loo hirgeliyo qodobbo kale, oo ay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si kala gooni-gooni ah uga doonayaan iney Dowladda Dhexe ka caawiso.

Tusaale, Puntland waxa ay dooneysaa in ay Dowladda Federalku ka caawiso mushaaraadka iyo agabka ciidamada xoogga dalka ee Puntland ku sugan, halka Jubbalan ay dooneyso in Federaalku ka gacan siiyo agabka iyo tayeynta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Galmudug waxa ay dalbaneysaa inuu Federaalku la dhiso Ciidamada Galmudug iyo in lala xoreeyo qeybaha maamulkaas gacantiisa ka maqan. Koofur Galbeed ayaa iyaduna dooneysa in lagala shaqeeyo sidii ay ku sugi lahayd ammaanka waddooyinka halbowlaha u ah isku xirka Xamar iyo Baydhabo.

Dowladda Federaalku wali kama soo jawaabin warkan, waxaana la mid ah Dowlad Goboleedyada oo aan iyaguna caddeyn in ay Aqalka Sare la qabaan warka uu Xukumadda u gudbiyey ee ay sheegeen iney ka soo ururiyeen Dowlad Goboleedyada.

Warar kale oo la xiriira