Aragti Baarlamaanka Warar 

Aragti: Run u Sheegidda Dadkaaga

Aniga oo aqrinaya saxaafadda adduunka ayaa waxaan aqriyay warbixin laga qoray Dr. Mahathir; hoggaamiyaha dalka Malaysia taas oo uu uga hadlayay caajiska dadkiisa inuu sabab u yahay in wadammo dariskooda ah ay dhaqaalo ahaan ka hormaraan. Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Vietnam oo uu sheegay in mar dhaw ay dhaqaale ahaan ka hor mari doonaan dalkiisa sababtuna ay tahay dadka reer Vietnam oo ah kuwo birta calashada, meesha dadkiisu ay yihiin caajislowyaal.

Meshaas marka ay marayso ayaan kaligeey fakaray oo aan is iri toloow haddii hoggaamiyeyaasha Soomaliyeed dadkooda runta u sheegi lahaayeen ka warran?
Waxaan xasuustaa in aan mar walba is amaanno oo aan dhagaheenna u raaxayno. Marar badan baad maqlaysaa waddankeena waa barwaaqo, waxa aynu nahay dadka adduunka ugu geesisan iyo wax la mid ah. Waa hubaal in dadkeenu iyo dalkeenuba wanaag badan leeyihiin laakiin wanaagaas aan la heli karin haddii aanan dhaqankeena wax ka baddalin.

Haddaba haddii aan isku fiirinno dalalka dariskeena ah, waxaa marag ma doonta ah in ay dhaqaalo ahaan hadda naga horreeyaan, iyaga oo waliba sidaas ah ayaan hadana ka caajis badannahay. Waxaa jira dad badan oo Kenyan ama Ethopian ah oo noo shaqeeya oo waliba nooga shaqeeya shaqo aan xirfad u baahnayn labo sababood awgeed:
1- Caajiska qofka Soomaliga ah dartiis.
2- Mushaarka qofka Soomaliga ah oo aad uga qaalisan kan dadyowga dalalka dariska ah.

Waxa ay taasi keentay in shaqooyin badan ay ku soo cariiriyaan dadkeena sida:
– Shaqaalaha dhismaha
– Shaqaalaha farshaxanka iyo qurxinta
– Kariyayaasha maqaayadaha.
– Maamulayaasha hoteellada
– Kabalyeeriyaasha maqaayadaha.
– Iyo kuwa kale oo badan.

Waxaa xogaha qaar ii sheegeen in deegaanka dhulka Soomalida qaybo ka mid ah naloo ilaaliyo/raaco xoolaha.

Haddaba walalayaal suuragal ma tahay in ummad dhaqaalaha soo galo uu sidaa u yaryahay haddana shaqo aan diyaar u ahayn iyada oo waliba qayb muhiim ah oo dhaqaalaheeda ka mid ah ku bixisa qaadka in ay horumarto?
Marar badan baan maqlaa Soomaali leh, “Gaajo gobonimo leh ayaan ku noolaanynaa”. Waxa ay ila tahay gaajo gobonimo ma leh. Sayiddinaa Cali ibn Abii Daalib baa laga sheegay, “Haddii faqrigu nin ahaan lahaa waan dili lahaa”.

Haddaba walaalayaal masuuliyadda na saaran waa in aan runta isu sheegno si aan meel u gaarno.

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Warar kale oo la xiriira