Warar 

Dowlad Goboleedyada oo soo dhaweeyey in tabashadooda loo gudbiyey Dowladda Federaalka

War maanta ka soo baxay Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada ayaa lagu taageeray bayaankii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanaka Soomaaliya. “Iyadoo la tixraacayo War-murtiyeedkii, uu Aqalka Sare soo saaray ee ku saabsanaa xal u hellidda khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, ayaa Goluhu waxa uu tixgelinayaa dadaalka uu Aqalka Sare muujiyay, si xal looga gaaro Khilaafka soo jiitamay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Dowlad-Goboleedyada Soomaaliyeed.

Warkaas waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha Golaha Dowlad Goboleedyada, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Galmudug. Golohu waxa uu sheegay inuu si ballaaran uga mahadceliyay Guddiga uu Aqalka Sare u xil-saaray xallinta Khilaafka, waxaana qoraalka lagu sheegay in Aqalka Sare uu gudanayo waajib dastuuri ah, oo ka saaran xallinta khilaafkan. Sidoo kale, wuxuu Goluhu Aqalka Sare uga mahadceliyey sida ay ugu kuur-galeen halka uu salka ku hayo khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhaweyneynaa muuqifka uu Aqalka Sare qaatay taas, oo ah awoodda uu dastuurku siinayo si ay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku u helaan cid si sax ah ugu dhex matasha Federaalka” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Golaha Dowlad Goboleedyadu.

Warkan waxaa kaloo lagu ballan-qaaday in ay Dowalad Goboleedyadu kala shaqeyn doonaan Aqalka Sare sidii xal loogu heli lahaa khilaafka oo, sida ay Dowlad Goboleedyadu ku doodayaan, salka ku haya sidii loo fulin lahaa wixii lagu ballamay ee ay danta dalku ku jirto.

Wali wax war ah. oo lagu ogolaanayo ama lagu diidayo bayaankii shalay ee Aqalka Sare, kama soo bixin Dowladda Federaaka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira