Baarlamaanka Warar 

Mahad Salaad Oo Dacwo Ka Gudbiyay Mahad Cawad

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan u gudbiyay dacwo ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad taasoo la xariirta sida uu Mahad Cawad u maamulay kulankii dhacay malinkii Sabtida, kaasoo aad looga dooday hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Dacwada xildhibaanka waxaa qayb ka ahayd in guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad oo u kala eexday wasiirradii ka socday wasaaradda maaliyadda iyo xildhibaannada, isagoo dacwadiisa ku sheegay in ay wasiirradu u gafeen guddiga maaliyadda ee uu xildhibaan Mahad Salaad ka tirsanyahay.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda cawada ee xildhibaan Mahad Salaad

Warar kale oo la xiriira