• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Aqalka Sare oo aqrintii 3-aad mariyey maanta Hindisaha Sharciga Guddiga Musuq-maasuqa

Kalfadhi by Kalfadhi
December 1, 2018
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0
Maxaa u qabsoomay Aqalka Sare ee sanad jirka ah?

Golaha Aqalka Sare ayaa Kulankiisii 8-aad maanta ku lafa guray Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxa-banaan. Waxay marsiiyeen aqrintii 3-aad. Hindisahan, oo uu Golaha Shacabka soo ansixiyey, ayaa Senatarada Golaha qaar ku tilmaaneen inuu wali u baahan yahay sixid iyo wax ka bedelidba.

Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha, Abshir Axmed Bukhaari, ayaa sheegay in habka uu hindisahani hadda u qoran yahay uu iska hor keenayo Baarlamaanka Soomaaliya. “Meel waxaa ku qoran Aqalka Sare ayaa cod u qaadaya (xil ka qaadista Guddiga), meelna waxaa ku qoran waxaa cod u qaadaya Golaha Shacabka, taasina sax maaha” ayuu yiri Guddoomiye Bukhaari. Waxa uu sheegay iney muhiim tahay in ay si fiican u caddahay cidda leh xil u dhiibista iyo ka qaadista Guddigan.

Arrintaas waxaa Guddoomiye Bukhaari ku raacay Senatar Muuse Suudi, Cabdiraxmaan Faroole iyo Xuseen Sh. Maxamuud. Laakiin sida uu ku doodayo Senatar Xuseen, waxa uu qofka ka tirsan Guddigan xubinnimadiisa weyn karaa uun markuu qabto xil dowladeed.

“qofka haddii uu qabto xil dowladdeed waxa uu waynayaa Xubibta Guddiga ayaa ku qoran sharcigaan, marka qofku maqaban karaa xil aan dowli ahayn” ayuu Senatarku weydiiyey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Xuseen Xasan Xaaji, oo ay Wasaaraddiisu markii hore soo diyaarisay hindisaha, balse loogama jawaabin.

Sanator Xasan Faarax ayaa codsaday in sharcigaan lagu daro la xisaabtanka Musuq-maasuqa ay galaan siyaasiyiinta. “Waxaa wanaagsan in la dagaalanka musuq-maasuqa aan lagu koobin Madaxda Dowladda oo kaliya, laakiin lagu daro siyaasiyiinta madaxa-banaan, waayo waxa ay sameeyaan musuq-maasuq” ayuu yiri Senator Xasan Faarax.

Senator Samsam Daahir ayaa qabta, in marka la fiiriyo miisaanka shaqada u taal Guddigan loo baahan yahay, in la kordhiyo xubnaha maamulaya. “Guddigan waxaa laga Sugayaa shaqo culus, sidaasdaraadeed waxaan qabaa in aan lagu koobin Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeen, laakiin lagu daraa Xoghaye” ayey tiri Senator Samsam Daahir.

Senator Muuse Suudi, oo si kooban u hadlay, ayaa la yimid weydiin ah cidda la xisaabtamaysa haddii ay qalad galaan Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madax-banaan. Hase ahaatee, ma helin jawaab.  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Golaha faray in sharciga si fiican looga shaqeeyo, isagoo oranaya “Sharcigaan waxa uu golaha horyaala muddo dheer, sifiican ha looga shaqeeyo”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa Golaha ka hor sheegay sheegay inuu hindise sharciyeedkan la kowsan doono Guddigiisa, marka uu xeer noqdo. “Illaa hadda, majirto wax Guddi ah oo noo dhisan, lamana dhisi karo, iyadoon sharcigaan ansax noqon” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cadi Xaashi, ayaa Guddiga hindisahan gacanta ku haaya u sheegay in lagu soo daro dhamaan waxyaabaha laga sheegay Golaha, dibna laysugu soo laabto kulanka xiga ee Golaha.

Previous Post

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed oo 2 todobaad dib u dhgay Doorashada Madaxweynaha

Next Post

Guddoomiye Mursal oo Muqdisho kusoo noqday iyo Xubnaha Golayaasha oo soo dhaweeyey

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Guddoomiye Mursal oo Muqdisho kusoo noqday iyo Xubnaha Golayaasha oo soo dhaweeyey

Guddoomiye Mursal oo Muqdisho kusoo noqday iyo Xubnaha Golayaasha oo soo dhaweeyey

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com