Warar 

Senatar Xuseen: Doorasho xalaal ah kama dhaceyso Koofur Galbeed

Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senatar Xuseen Sh. Maxamuud, ayaa u sheegay Kalfadhi inuu qabo walaac ah iney iscasilaan xubno ka tirsan Guddiga Doorshada ee Koofur Galbeed, sababo uu ku sheegay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku hayso faragelin xoog leh, sida uu hadalka u dhigay. “Doorasho madax banaan meesha kama docoto. Waxaa hadda laga yaabaa iney Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka iscasilaan” ayuu yiri Senatar Xuseen Sh. Maxamuud.

Waxa uu DFS ku eedeeyey iney dooneyso iney Koofur Galbeed Madaxweyne uga dhigto musharax ay iyadu wadato, sida uu hadalka u dhigay. “Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxay rabtaa iney magacaabato qof iyada ay meesha geysatay” ayuu yiri Xuseen Sh. Maxamuud. “Saasdaraadeed” buu yiri “doorasho xalaal ah kama dhaceyso Koofur Galbeed”.

Senatarku waxa uu DFS ugu baaqay iney ka joogto faragelinta uu sheegay iney ku hayso Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed. “Haddii aad rabtaan inaad qof meesha u magacaabataan Dastuurka Koofur Galbeed sidaas maaha” ayuu yiri Senatarka, oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ku matala Koofur Galbeed.

Xuseen Sh. Maxamuud waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada Koour Galbeed iney is adkeeyaan, dulqaataan, oo ay karaankooda isku dayaan iney xalaalnimada doorashadu fiicnaato. “Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed waxaan ugu baaqayaa iney madax-banaanidooda ilaashadaan” ayuu yiri Senatar Xuseen, Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira