Aragti Warar 

Xildhibaan Xiddig: Golaha Shacabka waxaa ka dhacay dambi culus

Bismillaah: Guddoonka Golaha Shacabka waxaan ugu baaqayaa inuu degdeg u qabto kulankii Golaha Shacabka, oo sida muuqata hakad ugu jira ismaan-dhaafkii ka dhashay Kulanki ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka, kana dhashay War-bixintii Guddiga Maaliyadda iyo Kala Diristii Gudigaas.

Goluhu ma aqbali doono sheekada ka dhex socota Guddiga Maaliyadda iyo Xafiiska Guddoonka, taasoo ay ka muuqato mugdi abuuri kara shaki culus. Golaha waxaa ka dhacay dambi culus; dambigaasna waxaa masuuliyaddiisa qaadan doona ciddii yeelata: Guddiga ama Guddoonka. Wax kasta oo Golaha la keenayo, Guddoonka waxaa waajib ku ah iney, ka hor inta aan Golaha loo qeybin, hubiyaan:

1: Dhamaan hab-raacyada,
2: Qoraalka haddii ay ku jiraan ereyo anshaxa meel uga dhacaya iyo
3: Qaladaad qaranka wax u dhimaya

Inta aan la eegin nuxurka War-bixinta iyo Sharciyadda Kala Dirista Guddiga waxa Golaha ka dhacay waa dambi, waana in dambigaas masuuliyaddiisa cidi yeelato, waana laba mid uun: Guddoonka ayaa xilkiisa Gudan waayay oo aan  hubinin War-bixinta, amase  Guddiga Maaliyadda ayaa been abuur sameeyay oo Xubnaha Guddiga ee hadda sheegay in lagu been abuurtay ayaa run ah.

Labadan arrimood, midkey noqotaba, waa dambi culus oo lagu qalqal geliyay Golaha, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Qaranka Soomaaliyeed, waana in dambigaas lagu qaado ciddii masuuliyaddeeda yeelata, waana in si degdeg ah Golaha loo hor keeno,
mana aqbaleyno in goobo Golaha ka baxsan lagu xaliyo.

Golahan, oo ku jira sanadkii 2-aad, waxaa horyaala xaalado xasaasi ah oo u baahan meel-marin, ka hor tag  iyo taxadar dheeri ah. Waxaan Gudoonka uga fadhinaa Kulamadii Golaha oo joogta ah iyo kiiskan oo xaqiiqadiisa Golaha la hor keeno, lana caddeeyo, ugu danbayn.

DIGNIIN: Haddii murankan iyo mugdigani sii socdo, xildhibaanada waxaa waajib ku noqonaya iney qaadan talaabada ku haboon oo waafaqsan sharciga.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig

Warar kale oo la xiriira