Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey, ayaa magacaabay xalay Guddi la mid ah mid uu shalay magacaabay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. 2-da Guddi waxaa lagu wada magacaabaa Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland. Sida magacaabistooda ka muuqata waxay labadoodaba qabanayaan shaqo isku mid ah, taas oo ah iney soo xulaan Wakiillada dooran doona Madaxweynaha Puntland bisha ina soo aaddan.
Madaxweyne Camey waxa uu sheegay in sababta uu u magacaabay Guddiga ay tahay inuu Madaxweyne Gaas baalmaray sharcigii uu ku magacaabay Guddiga, “maxaayelay” buu yiri “inagama tala-gelin aniga iyo Guddoonka Baarlamaanka”. Magacaabista uu sameeyey ayuu sheegay iney u ogolaadeen Baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka Puntland.
Isagoo la hadlaya VOA-da ayuu Camey sheegay inuu isku dayey inuu arrintan kala hadlo Madaxweyne Gaas, hase ahaatee ay isla fahmi waayeen. “Shaqsiyan waan la hadlay (Madaxweyne Gaas), hawshaasina ma badbaadin, umana dhega nuglaanin. Culuma u diinka rag ka mid ah baanu u dirnay, waana la diiday warkooda” ayuu yiri Cabdixakiin Cammey.
Sida ka muuqatay sida uu arrintan uga hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Cabdixakiin Cammey, waxa uu uga dan lahaa inuu muujiyo inuu jiro khilaaf ku aaddan inaan mid laga ahayn Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Gaas, waxaana ay noqoneysaa khilaaf hor leh oo imaanaya, iyada oo ay doorshada Puntland ka harsan tahay waxaan ka badneyn hal bil.
Madaxweyne Gaas wali kama uusan hadlin khilaafka soo muuqday, balse waxaa magacaabista Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland ee uu sameeyey uu u cuksaday Xeerar Madaxweyne, oo ku asteysan sanadihii 2004, 2008 iyo 2013. Camey ma diidana Xeerarkaas, wuxuuse ku doodayaa inaan lagala tashan.