• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

War-bixin: Eedda khilaafka Golaha Shacabka yaa leh?

Kalfadhi by Kalfadhi
December 4, 2018
in Falanqeyn, Warar
Reading Time: 3 mins read
0
Qodobbadii Dhaliyay Doodda Badan Ee Ku Jira Xeer- Hoosaadka Golaha Shacabka

Toban Xubnood, oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, ayaa 24-kii bishii Nofeembar u gudbisay qoraal tabasho ah Guddooonka Sare ee Golaha Shacabka, taas oo ku saabsaneyd War-bixin Maaliyadeedka Miisaaniyada 2018-ka. Tabashadaas waxa ay gaartay Guddoonka intuu uu socday Kulankii Golaha ee maalintaas.

Si meesha looga saaro tabashada Xubnaha Guddiga Maaliyadda, Guddoonka Sare ee Goluhu waxa uu u yeeray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, isaga oo ka jawaabay qaar kamida eedeymaha loo soo jeediyay Wasaaraddiisa.

Intaas kadib, waxa ay Xubanaha Guddiga Maaliyaddu bilaabeen in ay ku kala aragti duwanaadaan isla war-bixintii uu Guddigu soo saaray, taas ayaana sabab u noqotay in 28-kii bishii Nofeembar uu Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muuddeey soo saaro warqad uu ku saxiixan yahay, oo uu ku kala dirayo dhammaan Xubnaha Guddiga Maaliyadda, iyadoo si degdeg ah loo soo dhisi doono guddi cusub, oo qabta shaqadaas.

Kala dirista Guddigan ayaa dhallisay inuu si weyn uu khilaaf uga dhex dhasho dhammaan Xubanaha Golaha Shacabka, iyaga oo kala taageeray go’aanka Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha iyo doodda Xubniha Guddiga Maaliyadda.

Haddaba sharci ahaan, ma jiraan qodobbo ku yaalla dastuurka dalka iyo Xeer Hoosaadka Golaha, oo kala saaraya khilaafka ka dhashay go’aankan?

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa taageersan go’aanka uu Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabku ku kala diray dhammaan Gudigga Maaliyadda. Kalfadhi ayuu u sheegay inaaney jirin qodobbo sharci ah, oo si gaara loogu cuskan karo kala dirsita Xubanaha Guddiyada uu leeyahay Golaha, balse Guddoonka uu awood buuxda u leeyahay inuu kala diro Xubanha Guddiga, isaga oo wax xeerinaya, taasina aysan aheen in sharciga la baalmaray.

”Waxaan sheegayaa sababta lagu kala diray (Guddiga Maaliyadda) in ay tahay in ay isqilaafeen Guddiga, islamarkaana ay noqdeen laba dhinac, sidoo kalena Baarlamaanka (Golaha Shacabka) hortiisa ay keeneen wax aan la aheyn cadeymo sax ah” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Xildhibaanku waxa uu qabaa in ay jiraan dad aan ogoleyn sharciga oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha, oo ku doodaya wax ka fog xaqiiqda, “mana hayaan” buu yiri “waxyaabo ay hadda ku difaaci karaan (uga hor imaan karaan) kala dirista Gudiga Maaliyadda”. “Taas waa mid uu go’aankeeda leeyahay Guddoonka Sare ee Baarlamanka (Golaha Shacabka)” ayuu yiri Mudane Jeesow.

Dhinaca kale, Mahad Salaad oo ah Xubin ka tirsan Guddiga Maaliyadda ayaa si weyn uga soo horjeeda go’aanka lagu kala diray, waxa uuna ku doodayaa in arrinta kala dirista Guddiga uu ka tirsan aan loo soo marin hannaan waafaqsan shuruucda u yaalla Golaha Shacabka. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu sheegay in Guddiga Joogtada ee Golaha aanu shirin muddo afar asbuuc ah, Guddoonkana uu go’aan ka gaarayey intaa ajendaha la hor keeno Golaha. “Sidaasdarteed” buu yiri “Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ayaa marooqsaday awoodii Golaha Shacabka, taas oo meel ka dhac ku ah Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee Guddiyadu u idmanyihiin”.

Mahad Salad waxa kaloo uu yiri “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golahu waxa ay Golaha hortiisa ku aflagaadeeyeen Xubnaha Guddiga, iyaga oo Guddiga ku sifeeyay erayo aaney mudneyn oo gef ku ah sharafta iyo xasaanadda Xildhibaanada”. Mahad waxa uu war-bixinta qilaafka dhalisay ku tilmaamay mid ka run sheegeysay musuqa ka dhex jira Dowladda, “hase ahaatee” buu yiri “Wasaaradda Maaliyaddu wey iska indha-tireysaa”.

Waxa uu beeniyey eedda Xildhibaan Jeesow ee ah ineysan Guddigu keenin caddeymo ku filan, si loogu qanco war-bixinta ay Guddigu soo diyaariyeen. Waxa uu sheegay iney hayaan dukumiintiyo muujinaya inuu jiro musuq, ku tumasho sharciyadeed iyo in ay Xukumaddu arrimahaas raali isaga ahayd.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa aaminsan inuu Golaha Shacabka ka dhex dhacay dambi culus. Waxa uu yiri “dambigaas waxaa masuuliyaddiisa qaadan doona ciddii yeelata: Guddiga ama Guddoonka”. Waxa uu sheegay iney waajib sharciya ahayd in wax kasta oo Golaha la keenayo uu Guddoonku hubiyo intaan loo qeybin Golaha. Waxa uu yiri “Guddoonka ayaa xilkiisa Gudan waayay oo aan hubinin war-bixinta, amase Guddiga Maaliyadda ayaa been abuur sameeyay oo Xubnaha Guddiga ee hadda sheegay in lagu been abuurtay ayaa run ah”.

Xildhibaanku waxa uu qabaa in ay qasab tahay in uu Guddoonka ama Guddiga Maaliyadda midkood qaato eedda dambiga uu sheegayo inuu dhacay. “Waa in dambigaas lagu qaado ciddii masuuliyaddeeda yeelata, waana in si degdeg ah Golaha loo hor keeno, mana aqbaleyno in goobo Golaha ka baxsan lagu xaliyo” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

In Guddigan uu sii shaqeeyo iyo in uu dhaqan galo go’aanka Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiwali Muuddeey, ayaa ku xiran fadhiga ugu horreeya ee uu Goluhu yeesho, sida uu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo dalka dib ugu soo laabtay 30-ka bishii hore.

Qore: Fatxi Maxamed

Kalfadhi- Muqdisho

Previous Post

Aqalka Sare oo maanta meel marinaya Hindisaha Sharciga Guddiga Ladagaalanka Musuqa

Next Post

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Camey oo isku khilaafsan Doorashada Puntland

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland
Warar

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland

August 11, 2022
Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Next Post
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Camey oo isku khilaafsan Doorashada Puntland

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Camey oo isku khilaafsan Doorashada Puntland

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com