Baarlamaanka Senator Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo u tagay Kismaayo xallinta khilaafka Jubbaland iyo DFS

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaash iyo wafdi Sanatara ah, oo uu hogaaminayo, ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa, markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxa uu si kooban warbaahinta ugu sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay “isu soo dumidda shacabka Soomaaliyeed”.

Waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, kala hadli doono siduu u wanaagsanaan lahaa xiriirka Dowlad Goboleedka uu hogaamiyo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Arrintaas ayuu Cabdi Xaashi u sheegay wariyayaasha iney tahay mid ay ku doonayaan qurxinta dowladnimada Soomaaliya.

Isla sidaas ayuu Guddoomiyuhu kulankii shalay ee Golaha Aqalka Sare kadib u sheegay Sanatarada, isagoo u sharraxayey sababta tagistiisa Kismasyo, waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay adkeynta xallinta khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada.

Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa u xaqiijiyey Kalfadhi inuu Guddoomiyuhu safarkiisa Kismaayo kadib tagi doono Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, si xalka khilaafkaas looga guul gaaro.

Markii hore waxa uu Guddolmiye Cabdi Xaashi u sheegay Golaha, oo kaliya, inuu Kismaayo tagayo, laakiin weydiimo ay Sanataradu ka keeneen sababta uu Kismaayo kaliya u tagayo ayey ku timid inuu yabooho inuu gaari doono Dowlad Goboleedyada kale ee wax ka tabanaya DFS, sida ay Kalfadhi u sheegeen qaar ka mid ah Sanatarada Golaha.

Aqalka Sare ayaa mar sii horreysay u gudbiyey Dowladda Federaalka qodobbo siddeed ah, oo soo koobaya waxay  Dowlad Goboleedyadu ka tabanayaan DFS, taas oo ay Dowlad Goboleedyadu soo dhaweeyeen, balse Xukumaddu wali kama bixin jawaab la baahiyey arrintaas.

Warar kale oo la xiriira