Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanno ka walaacsan in khilaafka Guddoonka Golaha Shacabku cuuryaamiyo shaqada Golaha

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la wadaagay Kalfadhi iney ka walaacsan yihiin khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka, kaas oo markii hore taagnaa go’aan Golaha dhexdiisa ah oo ay isaga hor yimaadeen, laakiin hadda maraya in uu Guddoomiyuhu qabtay hindise ka dhan ah Madaxweynaha, Kuxigeennadiisuna ay diidan yihiin.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw ayaa u sheegay Kalfadhi in ay wadeen xallinta khilaafka Guddoonka Golaha, ka hor intaanu immaan Hindisaha Xil Ka Qaadista Madaxweyne Farmaajo. “Waxaan dadaal xoogan ugu jirnay in aan xallinno is fahmi-waaga ka dhex taagan Guddoonka Golaha, si aan loo sii kala fogaan oo uu Goluhu u burburin” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taaw.

Sidaas oo kale, Xildhibaan Daahir Ammiin Jeesow ayaa u sheegay Kalfadhi in haddii ay Guddoonku aqbali lahaayeen iney isku ixtiraamaan shaqada uusan yimaadeen khilaafkan cuuryaaminaya hawlihi Golaha, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa wanaagsan in cid waliba loo daayo shaqadeeda u gaarka ah, iyadoo la fiirinayo dastuurka dalka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Hase ahaatee, Xildhibaan Guuleed Cayduruus, ayaa ugu warramay Kalfadhi in asalka khilaafka Guddoonka Golaha uu yahay Guddoomiyaha Golaha oo lagula dhagan yahay shaqadiisa. Waxa uu sheegay in cidda khilaafka hurineysa ay tahay Xukumadda, oo gadaal ka taagan Kuxigeennada Guddoonka Golaha, sida uu hadalka u dhigay. “Waa in ay ogaadaan kuwa faraha kula jira shaqada Guddoomiyaha Golaha Shacabka in Guddoomiye Maxamed Mursal uu taageero buuxdo ka haysto Golaha Shacabka dhexdiisa” ayuu yiri Xildhibaan Cayduruus. Balse, Xildhibaannada qaar ayaa rumeysan in khilaafka Guddoonka uu salka ku haayo arrin u gaar ah Guddoomiyaha Golaha oo, sida ay ku doodayaan, uu doonayo inuu Golaha ku kala qeybiyo.

Warar kale oo la xiriira