Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Doorasahadda Konfur Galbeed

Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahin Xaabsade oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si gaar ah farta ugu fiiqday musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Konfur-Galbeed  ayaa ka codsatay in aan doorashada xilligaan lagu dag dagin “Musharraxiinta hadda u taagan doorashadda oo walaalkood la dulmiyay hortoodana lagu watay waxaan leeyahay hadda wax doorasha ah hagalinna”

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade ayaa sheegay in aysan doorasho xilligaan sax ahayn “Musharraxa buuxiyay shuruudaha ee haysta shahaadada, haddii dadka hortooda lagu watay oo loo ageegsaday awoodda dowladda waa qaab kaligii talis nima ah, oo uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doorashana madhici karto. “ayeey tiri Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahin Xaabsade.

Xildhibaan Aamina Xasan oo iyana ka mid ah mudanyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeedda Konfu- Galbeed ayaa ka hadashay doorasha “dadku yaysan isku dilin qabiil qaliil, koleey doorashadii Konfur-Galbeed sidaan lagu qaban Maayo,  Walaalaha musharraxiinta ah ee u taagan doorashadana ha ogaadaan ushii lagu tumay walaalkood ayaa sugaysa.”

Xildhibaan Aamina Xasan ayaa si gaar ah waxa ay ula hadashay Guddiga Doorashada oo soo saaray Jadwalka Doorashadda Konfur Galbeed “Waxaan ugu baaqaya Guddiga in doorashadaan dib loo dhigo si loo daweeyo Cuqdadda ka dhalatay arrinta ka dhacday Koonfur-Galbeed doorashadana Xilligii loogu tala galay madhici karto.”

Warar kale oo la xiriira