• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Warar

Midowga Afrika oo beeniyey eeddii Xildhibaannada ee ahaa iney AMISOM xirtay Roobow

Kalfadhi by Kalfadhi
December 15, 2018
in Warar
Reading Time: 2 mins read
0
Midowga Afrika oo beeniyey eeddii Xildhibaannada ee ahaa iney AMISOM xirtay Roobow

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM, Ambaasadoor Fransisco Madeira, ayaa diidmo uga jawaabay eedeyn uga timid Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka. Waxa uu AMISOM ka fogeeyey iney ku lug lahaayeen soo qabashada, xariga iyo Xamar u soo taxaabidda Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) xoriyaddiisa ka qaadday, isagoo u ah Musharrax, loona ogolaaday inuu ka qeyb-galo Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Fransisco Madeira waxa uu beeniyey in dhammaan eedeymaha ay u jeediyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ay run yihiin. Warqad laga soo saaray Ururka Midowga Afrika ayaa lagu yiri “AMISOM waxay joogteyn doontaa, aqoonsan doontaana xushmeynta dadka Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya, waxaana ka ahaan doonnaa dhex-dhexaad iney qabsato waajibaadkeeda”. Madeira  waxa uu Soomaalida ugu baaqay iney xalistaan arrimaha adag ee ka taagan dalkooda. “Waxaan ugu baaqayaa iney xaliyaan arrimaha xiriirka la leh xaaladaha taagan ee doorashada ka soo fool leh Koofur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri  Fransisco Madeira.

Waxa uu sheegay ineysan AMISOM marnaba soo fara-galin doonin, oo ay xiriir wada shaqeeneyd la lahaan doonto Dowladda Soomaaliya. “Waxaan xushmad sare u haynaa shuruucdooda, dhaqankooda iyo qiyamkooda” ayuu yiri Ambaasadoorku Fransisco Madeira. Waxa uu ka tacsiyeeyey dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay xasaradda ka oogantay magaalada Baydhaba doraad.

Mukhtaar Roobow waxaa wararkii ugu horreeyey ee xarigiisa laga helay ay sheegayeen iney Ciidanka Itoobiya ee ilaaliya Madaxtooyada KGS qabteen, gacmahana ka xireen, iyadoo ay wararka qaarna sheegayeen iney jir dileen. Ciidankaas waxay, Itoobiyaan ha ahaadaanee, ka tirsan yihiin AMISOM. Isla iyaga ayaa wararka laga helayey Baydhaba sheegayeen iney gacan ku lahaayeen keenista Roobow ee Muqdisho. Hase ahaatee, Dowladdu waxay horay u sheegatay iney hawshaas iyadu qabsatay.

Hoos ka aqriso warqadda Midowga Afrika ee sheekada kore, haddii aad taqaan Afka Ingiriiska.

 

Previous Post

Baaqashada Kulamada Golaha Shacabka oo fadhiid ka dhigeysa shaqada dowladda

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku baaqay in Doorashada KGS dib loo dhigo

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland
Warar

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland

August 11, 2022
Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Next Post
Guddoomiye Mursal Oo Faray Xildhibaannada Golaha Shacabka In Ay Dalka Ku Soo Laabtaan Ugu Dambeyn 5-Ta Bisha Simbteembar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku baaqay in Doorashada KGS dib loo dhigo

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com