Baarlamaanka Warar 

Doorashada Koonfur-Galbeed Iyo Xaaladda Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa maanta loo diyaarsanyahay Doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin ilaa iyo Shan Musharrax oo kala ah .

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.

2-Siid Axmed sheekh Daahir

3-Xuseen Cusmaan Xuseen

4-Adan Maxamed Nuur Saransoor

5-Ibrahim Macalin Nuurow.

Dhamaan musharraxiinta waxa ay hadda xaadir ku yihiin xarunta madaxtooyadda Koonfur-Galbeed, oo ay ka dhacayso doorashada.

Dhanka xaaladda guudna waxaa saakay aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo, majiro wax dhaq dhaqaaq gaadiid ah, waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsiga dad waynaha. Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay soogalitaanka madaxtooyada.

Magaalada waxaa lagu daadiyay ciidan kala duwan oo ah Booliis iyo Milatari, waxa ayna aad u ilaalinayaan dhamaan xaaladda Magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay hareeyeen dibad baxyo rabshado watay.

Xarunta madaxtooyadda Koonfur-Galbeed oo ay ka socoto doorashada waxaa ammaankeedda sugaya ciidan isku dhaf ah oo u badan kuwa Amisom, waxaana aad loo baarayaa dhammaan dadka galaya madaxtooyadda oo ay kujiraan shaqaalaha Dowladda Konfur Galbeed.

Kalfadhi kala soco wararka doorashada Koonfur-Galbeed.

Warar kale oo la xiriira