Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo 25-ka bishii hore ilaa maanta yeeshay hal kulan oo kaliya

Kadib markii ay Xildhibaannadii waday Mooshinka ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo ka tanaasuleen hindisahoodii ay ku doonayeen in xilka uu ku waayo Madaxweynaha dalka, waxaa la filayey inuu maanta dhaco kulankii ugu horreeyey ee Golaha Shacabka, sababtoo ah waxaa la xaliyey sababtii ugu weyneyd ee keeneysay baaqashadiisa.

Sida ay Xildhibaanno ka tirsan Golaha u sheegeen Kalfadhi, waxay filashadoodu ahayd inuu dhaco kulankoodii ugu horeeyey maanta kadib wax ku dhaw bil, “laakiin inooma soo dhicin” bey yiraahdeen “farriintii noo sheegi jirtay inuu kulan jiro. Xildhibaannada Goluhu waxay marar badan dalbadeen inuu Guddoonka Goluhu dib u bilaabo shaqada Golaha, balse ilaa iyo hadda taas ma dhicin.

Golaha Shacabka waxaa kulan shaqo ugu dambeysay 5-tii bishan, oo ay ansixiyiin Hindisaha Sharciga Xaq-siinta Siyaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxaana ay taas ka dhigeysaa inuu Goluhu baajiyey 8 kulan, iyadoo 4 kulan oo ka horeysay kulankoodii ugu dambeeyey uusan, sidoo kale, Goluhu kulmin, waxa ayna taas ka dhigeysaa inuu baajiyey 12 kulan (oo u dhiganta kulamo bil dhici lahaa), oo qaranka shaqo muhiim ah loogu qaban lahaa.

Waxaa Golaha hor yaal Hindise Sharciyeedyo qaarkood ka gudbay aqriskii 3-aad, oo u baahan in loo codeeyo uun iyo kuwo maraya aqriskii 2-aad, halka kuwa kalena loo qeybiyey uun Golaha oo ay wali ku wadaan aqriska 1-aad. Waxaa ka mid ah Hindisaha Xeerka Hanti-dhawrka Qaran, Hindisaha Xeerka Shaqaalaha Rayidka iyo kuwo kale.

Warar kale oo la xiriira