Warar 

Madaxweyne Xaaf oo kala diray Golaha Deegaanka Cadaado

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa maanta kala diray Golaha Deegaanka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Isagoo cuskanaya Xeer Madaxweyne ayuu soo saaray warqad uu ku cadeynayo sababaha kala dirista Golahaas. Madaxweyne Xaaf waxa uu magacaabay Guddi soo qaban-qaabiya Doorashada Golaha uu kala diray, oo ka kooban 7 Xubnood oo kala ah:

  1. Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
  2. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cumar
  3. Cumar Daa’uud Faarax
  4. Cabdiwali Maxamed Sh. Doon
  5. Cabdikariin Maxamed Cilmi
  6. Nuur Xaashi Tabayo
  7. Axmed Cabdinuur Wehliye

Madaxweynuhu waxa uu Guddigaas faray inuu ka hoos shaqeeyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug, iyada oo uu jiritaankiisu ku eg yahay muddo 3 bil ah. Hase ahaatee, waxa uu, sidoo kale, baabi’I doonaa marka inta Golahaas sameysmo uu doorto Guddoomiyaha Degmada Cadaado. Xaaf waxa uu, sidoo kale, faray inuu Guddiga uu magacaabay ku shaqeeyo Xeerka Dowladda Hoose ee Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa horay ugu magacaabay Cadaado Maamul, waxaase ka hor yimid Golaha uu maanta kala diray, oo sheegay inuusan Xaaf xaq u lahayn magacaabistaas.

Warar kale oo la xiriira