Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta la kulmay Guddiga Maaliyadda ee Golaha

Sida uu baahiyey Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Xarunta Filla Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka, oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xallin karo khilaafka Xubnaha Guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka Xubnaha Guddiga ay kulanka ku soo bandhigeen. Xubnaha Guddiga ayaa dhinacooda si wadajir ah u qiray in ay howlo badan Guddiga u yaallaan. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qabto hawlaha muhiimka ah ee Guddiga Maaliyadda horyaallaan.

“Waad ku mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isugu kiin yeeray, ujeedkuna waxa uu ahaa inaan dhageysto talooyinkiina, waxaana la soo tashan doonaa Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal, sida lagu daabacay barta Feysbuugga ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Hab-dhowraha Golaha Shacabka, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux).

Warar kale oo la xiriira