• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Isimada oo Soo Xulista Wakiillada kala shaqeyn doona Guddiga Ansixinta Wakiillada Puntland

Kalfadhi by Kalfadhi
December 24, 2018
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0
Isimada oo Soo Xulista Wakiillada kala shaqeyn doona Guddiga Ansixinta Wakiillada Puntland

Isimada Puntland ayaa hadda saameyn xoog leh ku yeelan doonta hanaanka soo xulista Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, kadib markii musharraxiinta u taagan sanadka xiga Xilka Madaxweynaha Puntland ay ka cawdeen Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Maamulkaas, oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland ee xilka ka degi doona hal bil kadib, Mudane Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

Guddiga ay Musharraxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Puntland qoonsadeen waa kan ku dhawaaqi doona inta lagu guda jiro bishan tirada Xubnaha Golaha Wakiillada ee sanadka xiga soo dooran doonta Madaxweynaha Puntland ee 2019-2023 hogaamin doona Puntland. Musharraxiintu waxay ka shakisan yihiin inuu Madaxweyne Gaas faragalin xoog leh ku haayo Guddigaas, si uu u soo saaro Wakiillada uu doonayo, si ay markale isaga u soo doortaan.

Hase ahaatee, waxaa Guddiga ay ahayd inuu shaqadiisa u madax-banaanaado balse ay Isamadu ka garab shaqeyn doonaan uu sheegay in waxa lagu haystaa ay tahay uun tuhun. “Waxaa iska dhici kara waxyaabo yaryar, oo marka shaqo la hayo wax baa dadka loo kala sheegaa, wax kalana ma jirinee, dee in leys caluul xaarto oo wax jira leyska qanciyo uun bey ahayd” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland, Caaqil Ismaaciil Cismaan Barre, oo fasirayey sida ay Isimada isula shaqeyn doonaan, kadib kulan shalay ka dhacay Garoowe.

Isagoo ka hadlayey sababaha keenay iney musharraxiintu ku kalsoonaan waayaan soo xulistooda Golaha Wakiilkada ayuu Caaqilku sheegay in muaharraxa saluugsani uu yahay mid dan u gaar ah ka waayey Guddiga. “Wararkaasi wey iska dhici karaan. Dee, shaqadaan hayno ayaa keeneysa marka uu qofku masaalixdiisa waayo ama siyaabo kale wax ugu muuqdaan inuu si kale wax u turjumo” ayuu Caaqil Ismaaciil ku yiri suxufiyiinta Puntland.

Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland waxaa durbadiiba uu Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas, magacaabay guddi kale oo ay isku magac iyo isku shaqo yihiin ka daba magacaabay Kuxigeenkiisa Cabdixakiin Camey. Taas ayaana muujisay in Guddiga ay musharraxiintu dhaliilayaan ay isku khilaafsan yihiin xitaa Madaxda Puntland. Camey, oo wax laga weydiiyey ayaa yiri “inagama tala-gelin aniga iyo Guddoonka Baarlamaanka guddiga uu magacaabay”.

Previous Post

Kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka oo qabsoomi la’ muddo ku dhaw hal bil

Next Post

Xuseen: Madaxweyne noo ogoloow inaan kula soo galno gidaarada iyo carra-tuurada aad sameysatay

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland
Warar

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland

August 11, 2022
Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Next Post
Xuseen: Madaxweyne noo ogoloow inaan kula soo galno gidaarada iyo carra-tuurada aad sameysatay

Xuseen: Madaxweyne noo ogoloow inaan kula soo galno gidaarada iyo carra-tuurada aad sameysatay

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com