Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanno sharci darro ku tilmaamay garsoorayaal uu Madaxweynuhu u magacaabay Maxkamadda Sare

Xildhibaannada isku magacaabay Badbaado Qaran ayaa warqad ay soo saareen waxay sharci darro ku tilmaameysaa garsoorayaal uu Madsxweyne Farmaajo u magacaabay 24-kii bishan Maxkamadda Sare ee dalka.

Waxay, sidoo kale, sharci darro ku tilmaameen magacaabistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo mar sii horreysay ahayd, waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ku tuntay dastuurka iyo shuruuc kale ee dalka u yaala.

Waxay soo saareen baaq ka kooban 5 qodob, oo ay ka mid yihiin iney is casilaan garsoorayaasha la magacaabay iyo iney shacabku ku baraarugaan eeddooda ah inuu Madaxweynuhu ku xadgudbayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Hoos ka aqriso warqadda ay soo saareen Xildhibaannadaas isku magacaabay Kudlada Badbaado Qaran, iyada oo faahfaahsan.

Warar kale oo la xiriira