Baarlamaanka Warar 

Wasaaradda Haweenka oo ka shaqeeneysa Hindisaha Xeer difaacaya dumarka

Wasaaradda Haweeka iyo Hormarinta Xuuqul Insaanka ayaa ka shaqeeneysa Hindise Sharciyadeed ka hadlaya dambiyada ku saleysan jinsiga, oo inta badan ku dhaca dumarka, sida ay Wasaaraddu sheegtay. Shir ay ku qabatay Muqdisho, oo ay ka qeyb-galeen inta badan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin Dowlad Goboleedyada, ayaa looga dooday hindisahaas, waxaana Wasaaradda iyo ka qeyb-galayaashu ay inta badan ku nuux-nuuxsanayeen kufsiga ku dhaca dumarka.

Wasaaradda Haweenku waxay dooneysaa in hindsahan uusan qaadan waqti dheer, oo uu Golaha Shacabku si deg deg ah u ansixiyo, durbadiiba ay Wasaaraddu hor keento, kabidna uu Aqalka Sare meel-mariyo, sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaraddaas, Deeq Suleymaan Yuusuf. “Waxaan dhamaanteen noo soo baxday in sharcigaas baahidaasa ay jirto” ayuu yiri Agaasime Deeq.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi, oo kulankaas qeyb ka ahayd, ayaa sheegtay in xadgudubyada ku saleysan jinsiga ay halis weyn ku hayaan dumarka Soomaaliyeed. Waxay tilmaantay in dhibaatada jinsiga la xiriirta aysan Maxkamaduhu u hayn sharci ay xukun ku gaaraan, taasina ay keento in lagu xaliyo qaab dhaqan ku saleysan oo ay gabdhuhu ku waayaan xaqooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Maxkamaddu, hadda gabadhii la kufsado ama ilmihii la tuuray ama xadgudubkii dhacay, qaynuun uma hayaan; hoos baa loo xaliyaa, waad ogtihiin” ayey tiri Xildhibaan Canab Xasan Cilmi. “Walaalayaalow, Illaahey intaan ka cabsano, aan buuggan ka shaqeyno; waqti adag aan gelino” ayey Xildhibaan Canab sii raacisay hadalkeeda.

Sanatar Naciima Ibraahim Yuusuf, oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa goobta ka sheegtay in heerka dhibta jinsi ee gaarta dumarka Soomaaliya ay aad uga sareyso heerka dhibta jinsi ee gaara ragga. “Saasdaraadeed” bey tiri “waa humiim inaan sharcigaan ka wada shaqeyno oo la ansixiyo”. Waxay soo jeedisay in hindisaha la turxaan bixiyo. “Inaan hadda ka murano sharci ma la suubinaa mise lama suubinaayo muhiim maaha. Maalin walba dhibku wuu dhacayaa” ayey tiri Sanatar Naciima.

Sh.  Cumar Xerow ayaa kulanka ka sheegay inuusan Islaamku waxba ka qabin in sharci waqti adag, oo taagan, looga gudbayo la sameysto, sida uu hadalka u dhigay. “In xeer wanaagsan oo looga gudbaayo marxaladda socota, islaamku ma diidaayo” ayuu yiri Sh. Cumar Xerow.

Warar kale oo la xiriira