Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaanno ku dhintay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyeeyey geerida laba Xildhibaan, oo shalay ku dhintay magaalada Muqdisho. Labada Xildhibaan ee geeriyootay ayaa midna uu ka tirsanaa Golaha Shacabka, kan kalena Golaha Wakiillada Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Madaxweyne Farmaajo waxaa, qoraal uu ku daabacay Barihiisa Bulshada, uu uga tacsiiyey geerida labadan XIldhibaan, oo kan ka tirsanaa Golaha Shacabka lagu magacaabo Axmed Mayow Cabdulle (Korneel Ruush), kan ka midka ahaa Golaha Wakiillada KGS-na la yiraahdo Kheyre Maxamed Axmed.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qarankaba, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornayl Ruush) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay.

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneel Ruush) waxa uu shalay si kedis ah ugu geeriyooday Muqdisho, sida uu Kalfadhi u sheegay Xildhibaan ay Golaha Shacabka ka wada tirsanaayeen, qaraaba dhawna ay ahaayeen, Cali Yuusuf Cusmaan (Ganey). “Xanuun deg deg ah oo dhinaca wadanaha ah ayuu u dhintay” ayuu Xildhibaankaas ku yiri Kalfadhi.

Xildhibaan Khere Maxamed Axmed waxa uu isna waqtiyadii dambe oo dhan ku xanuunsanaa Muqdisho, xanuunkaas ayuuna ugu dambeyntii shalay isaga oo ku jira isbitaal ku yaala caasamidda sababsaday. Wax faahfaahin ah lagama hayo nuuca xanuunka uu u dhintay.

Dowlad Goboleedka KGS, gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaas, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa sheegay inuu Marxuumka Illaahey uga baryayo naxariis iyo Janno.

Warar kale oo la xiriira