Baarlamaanka Falanqeyn Senator Warar 

Senator C/qaybdiid, Xubno kale oo Xarigga ka jaray Isbtaal laga hergilyay Mudug

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxayna halkaasi Xarigga uga jareyn Isbitaal cusub oo laga dhisay degaanka Gawaan oo 30km u jira magaalada Hobyo. Isbitaalkaan oo ay hergeliyeen Jaaliyadda magaalada Hobyo ee dibadda ku nool ayaa la sheegay inuu ku yimid qayla dhaan ka soo baxday dadka degaanka oo awoodi kari waayay in ay adeeg caafimaad u raadsadaan magaalada Hobyo oo 30 km u jirta. Boqolaal dadweyne ah ayaa caleema qoyan ku soo dhoweeyay…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre: Baarlamaanka Puntland waxaan ka soo baranay casharro muhiim ah

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Hirshabeelle oo katirsan wafdiigii ka qeyb-galay Munaasabadda caleema-saarka ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Munaasabadda kadib uu kulamo la soo qaatay Guddoonka Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu booqday Xarunta Baarlamaanka iyo Guddiyada islamarkaana uu ka soo faa’iday waayo aragno casharro muhiim ah. Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in soo dhoweyn wanaagsan oo walaaltinimo iyo qadarin xambaarsan ay kala kulmeyn mas’uuliyiinta Puntland, gaar ahaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada. Sidoo kale Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay inu kulamo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta ka shiraya Ajandaha Kulanka Sabtida

Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka shiraya Ajandaha Golaha Wakiilada ee Hirshabeelle oo kulankoodii ugu horeeyay ee Kalfadhigaan magaalada Jowhar ku yeelanaya Sabtida soo aadan sida uu qorshahu yahay. Xubno katirsan Guddiga Joogtada ah ayaa Kalfadhi u sheegay iney horyaalaan Sharciyo iyo arimo kale ka jira Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in Kalfadhigaan ay horyaalaan shaqooyin adag Baarlamaanka oo ay ka mid tahay ansixinta sharciyo ka soo gudbay Xukuumadda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo xal u helidda colaad beeleedyo ku soo laa-laabtay…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Xildhibaan katirsan KGS oo qayla dhaan ka muujiyay Carruur ay Al-shabaab ka Afduubtayn Bakool

Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Aadan, oo sidoo kale ah Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Kalfadhi ayaa walaac ka muujiyay ku dhawaad 100 Carruur ah oo ay Al-shabaab ka Afduubtayn degmooyin katirsan Gobolka Bakool si ay uga bar-bar dagaalamaan. Xildhibaan Cabdirisaaq oo la hadlay Kalfadhi ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto Bakool, waxa uuna dalbaday in si deg deg wax looga qabto Cabashada dadweynaha. Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka KGS ayaa sheegay iney soo wacayaan odayaal iyo waxgarad ka cabanaya carruurtooda oo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo sheegay in horumar wanaagsan uu gaaray gobolka Banaadir

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Gaadiidka Booliiska islamarkaana loogu soo bandhigayay waqabadka maamulka gobolka Banaadir sanadkii la soo dhaafay ayaa amaanay mas’uuliyiinta gobolka ee dhabar adeegga muujiyay sanadkii la soo dhaafay. Xildhibaan Dhuxulow ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore u socoto islamarkaana ay muujisay soo kabasho xoog leh iyo horumar wanaagsan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa ayuu ku amaanay doorkii ay qaateen soo kabashada gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in shaqooyin badan loo…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Fowsiyo: Canaanta Madaxweyne Yoweri Museveni yaan loo arkin colaad

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala gidisan uga hadlay hadalkii maalmo kahor ka soo baxay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ee ahaa, Somaliya kama jirto dowlad shaqeysa oo hey’adaheeda dhamestiran yihiin kaas oo noqday hadal heyntii ugu balaarneed ee maalmahaan ka taagan magaalada Muqdisho. Xildhibaanadaan oo qaarkood Warbaahinta ka soo muuqday ayaa qaar ka mid ah waxay sheegeyn in uusan saameyn weyn lahayn hadalka Yoweri Museveni  balse dadka Soomaaliyeed ay macno kale u yeelayaan hadalkiisa, halka qaar kalane ay ku tilmaameyn gaf iyo meel ka dhac loo geestay…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Fiqi: Shacabka iyo Madaxda Puntland waxaan kala kulanay soo dhoweyn heer sarreysa iyo maamuus walaaltinimo

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi, oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane ka mid ah Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in soo dhoweyn wanaagsan iyo hab-maamuus ay kala kulmeyn shacabka iyo siyaasiinta Puntland maalmihii ay ku sugnaayeen Garowe. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inuu soo dhoweyn wanaagsan uu kala kulmay siyaasiinta, shacabka iyo xubno katirsan Xisbiga UPD ee ka howlgala degaanada Puntland sida uu ku sheegay qoraalkiisa. “Waxaan halkaan…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo bilaabay iney booqdaan degaanadii laga soo doortay

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay iney ku laabtaan degaanadii laga soo doortay maadaama lagu jiro xiliga fasaxa Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa qaar ka mid ah durba ku laabtay degaanadii laga soo doortay waxayna bilaabeyn iney la kulmaan qeybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka, sidoo kale waxay sheegeyn iney la kulmeyn maamulada ka jira goobihii ay booqdeen. Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee ku laabtay degaanadii laga soo doortay ayaa Kalfadhi u sheegay in uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Waxgaradka,…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Mahad Salaad: Hadalka Yoweri Museveni waxa uu ka tarjumayaa waxa soo socda

Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii shalay ka soo baxay Madaxweynaha dalka Yugaandha Yoweri Museveni ee ahaa “Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dawlad, way joogaan, laakiin ma haystaan ​​hay’ado abaabulan oo maamula, Soomaaliya ayaana mid kamid ah kuwaas, kuwa kale ayaa jira balse Diblomaasiyad ahaan ma sheegi karo magacyadooda”. Mahad Salaad ayaa sheegay in hadalkaasi uu bilaaw u yahay Siyaasad xumida Arimaha Dibadda ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay hadalkii Yoweri…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Warar 

Yuusuf Garaad: Mas’uul wax aan wanaagsaneyn ka sheega Soomaaliya jawaabtiisa waxaa ka muhiimsan in aan dalkeenna wax wanaagsan u qabanno

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku taliyay in laga fiirsado go’aanada ay gaarto Soomaaliya kuwaas oo waxyeeleyn kara dalka. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo u muuqda mid si dadban uu kaga hadlay hadalkii Madaxweynaha dalka Yugaandha Yoweri Museveni ayuu sheegay in aan lagu mashquulin jawaabta qof Soomaaliya ka sheegay wax aan wanaagsaneen. “Mas’uul wax aan wanaagsaneyn ka sheega Soomaaliya in aan u jawaabno waxaa ka muhiimsan in aan dalkeenna wax wanaagsan u qabanno oo wax un aan ku biirinno horumarkiisa”, ayuu yiri Wasiirkii hore ee…

Akhriso Faahfaahinta