Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in ay Baarlamaanka horyaalaan 29 Hindise Sharciyeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in ay Baarlamaanka Soomaaliya ag yaalaan 29 Hindise Sharciyeed, oo ay qaarna horyaalaan Golaha Shacabka, qaarna Golaha Aqalka Sare. 2-dii sano ee ay dowladdiisa jirtay ayuu Madaxweynuhu sheegay inuu soo saxiixay 2 Hindise Sharciyeed oo kaliya, “waana inta i soo gaartay” buu yiri Madaxweynuhu.

Waxa uu ugu baaqay Labada Gole ee Baarlamaanka iney dedejiyaan, oo ay ansixiyeen Hindise Sharciyeedyada ay hayaan, “si ay u hormarto” buu yiri “Dowladnimada Soomaaliya”. Madaxweyne Farmaajo waxa uu muujiyey inuu sugi la’ yahay iney u yimaadeen Hindisayaashaas si uu u saxiixo. “Waxaan hubaa in labaatan iyo sagaalkaas (Hindise Sharciyeedyo) ay ku dhameyn doonaan muddo aad iyo aad u kooban” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxaa, isaga oo Hindisaha Sharciyada horyaala Baarlamaanka si guud u codsanaya in inta lasoo meel mariyo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu keeno si uu u saxiixo, uu si gaar ah uga dalbaday Baarlamaanka iney u soo dedejiyaan Hindisaha Sharciga Xaqsiin Ciidanka, oo uu maalin ka hor meel mariyey Golaha Shacabka, haddana ag yaala Golaha Aqalka Sare.

“Sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan laba sharci bis ayaan saxiixay, waxaana sugeynay intaas iyo in ka badan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Waxaan ka codsanayaa Golaha Shacabka ee sharafta leh iyo Golaha Aqalka Sare in inta hartay ay si dhaqsiya iigu soo gudbiyaan, oo uu ugu horeeyo (Hindisaha Xeerka) Xaqsiinta Ciidanka Qalabka Sida” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa raaciyey.

Madaxweynuhu waxa uu Hindisaha Xeerka Ciidanka Soomaaliya ka dalbaday Baarlamaanka in intey soo ansixiyaan ay u keenaan, inta aysan soo xirin Kalfadhigooda 4-aad. Waxa uu sheegay iney dowladdiisu dooneyso iney kala saarto agoonta ciidanka, askarta naafada ah, ciidanka hawl-gabka ah iyo kuwa shaqeynaya, oo uu Hindisaha Xeerka uu dalbanayo Madaxweynaha qiixayo xaqooda.

Warar kale oo la xiriira