Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan walaac ka muujiyay joojinta tababarka xisbiga Wadajir

MUQDISHO, 9 JAN 2019 (KALFADHI) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa walaac ka muujiyay tilaabada ciidamada amniga ay ku joojiyeen tababar maamul-wanaagga la xiriira oo uu Muqdisho ku qabanayay Xisbiga Wadajir. Ciidamada Booliska ayaa Isniintii isku wareejiyay dhismaha hotel Maka oo uu tababarka lagu qabanayay. Xisbiga ayaa tababarka u qabanayay dhallinyarada dhigta iyo kuwa kasoo qalinjebiyay jaamacada Magaalada Muqdisho.

Wasiir-u-dowlihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook in waxa ugu weyn ee kasoo bixi karay tababarkaas ay yihiin”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan”. Waxa uu ku tilmaamay wax laga xumaado in intaas oo awood ciidan ah la isugu-geeyo baajinta tababarka noocaas ah.

Waxa uu Xildhibaan Mahad Salaad oo horey u noqday Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada waxa uu nasib daro ku tilmaamay in ciidamada qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo  sharadka dadka loo adeegsado “caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed”.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id ku qabtay iridka hore ee Hotel Maka ayaa ku eedeeyay amarka lagu baajiyay tababarka uu bixiyay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waxa uu hoggaamiyahu ugu baaqay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ee diiwaangeliyay xisbiga Wadajir inay go’aamo iyo talo kasoo-saaraan xayiraada iyo cagojugleynta lagu hayo xisbigiisa.

“Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto,” ayuu xildhibaan Mahad Salaad ku sheegay qoraalka uu soo dhigay Facebook. Waxa uu ku baaqay in dowladdu ay wax ka badesho sida ay ula dhaqanto mucaaradka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, isaga oo ka digay inay dalka dib u dhac iyo burbur kale u horseedaan.

 

Warar kale oo la xiriira