• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Golaha Shacabka oo markii ugu horeysay kulmaya sanadkan cusub ee 2019-ka

Kalfadhi by Kalfadhi
January 14, 2019
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 1 min read
0
Qodobbadii Dhaliyay Doodda Badan Ee Ku Jira Xeer- Hoosaadka Golaha Shacabka

Kulanka 33-aad ee Golaha Shacabka ayey maanta Xildhibaannada golahaas ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho. Waxa uu soo baaqday ugu yaraan 7 maalin, oo ay ahayd inuu dhaco kulankaas. Kulanka golaha ee maanta waxaa, sida uu baahiyey Xafiiska Warfaafinta ee Golaha, uu yahay ajandihiisa iney Xildhibaannadu u codeeyaan Hindisaha Xeerka Hanti-dhawrka Qaranka iyo iney dib-u-eegis ku sameeyaan Xeerka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Golaha Shacabka waxaa horyaala, oo mar sii horeysay la horkeenay, hindisayaal fara badan, hase ahaatee inta badan kulamadiisa ma dhacin Kalfadhigan 4-aad. In ka badan kala baroo bar kulamadii ay ahayd inuu yeesho ayuusan qabsan Kalfadhigan. Balse, waxa uu Guddoomiyaga Golaha, Maxamed Mursal, ku doodayaa iney Kalfadhigan 4-aad aad uga shaqa badnaayeen Kalfadhiyadii hore.

“kalfadhigaan afaraad waa kii ugu shaqadda badnaa, waayo waxaan meel marinay ilaa 4 sharci oo dalka muhiim u ah, halka sadaxdii kalfadhi ee ka horaysay aan meel marinay 3 sharci” ayuu Guddoomiye Mursal ka yiri kukankii 31-aad ee golaha (30/12/2018). Balse, Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu 2-dii sano ee ay dowladdiisu jirtay uu saxiixay 2 sharci oo kaliya. “Sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan laba sharci bis ayaan saxiixay, waxaana sugeynay intaas iyo in ka badan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sida uu Madaxweynuhu sheegay waxaa Baarlamaanka Soomaaliya ag yaala 29 Hindise Sharciyeed, oo uu codsaday iney dedejiyaan meel-marintooda, si uu u saxiixo. “Waxaan ka codsanayaa Golaha Shacabka ee sharafta leh iyo Golaha Aqalka Sare in inta hartay ay si dhaqsiya iigu soo gudbiyaan, oo uu ugu horeeyo (Hindisaha Xeerka) Xaqsiinta Ciidanka Qalabka Sida” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Previous Post

Xisbiga UPD oo sheegay inuu Madaxweynaha KGS baajiyey aqoon-isweydaarsi uu ku qaban lahaa Baydhaba

Next Post

Xildhibaan Jindi: Sax maaha in Xeer kulkankii ugu horeeyey ee looga dooday lagu ansixiyo

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Xildhibaan ku eedeynaya Xukumadda iney diidan tahay shaqada Guddiga Maaliyadda

Xildhibaan Jindi: Sax maaha in Xeer kulkankii ugu horeeyey ee looga dooday lagu ansixiyo

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com