Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiyaasha Baarlamaanka KG, Puntland iyo Jubbaland

BAYDHABO, 18 JAN 2019 (KALFADHI)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka kulan kula qaatay Guddoomiyaasha Baarlamaanka ee maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanka Puntland iyo Jubbaland oo ka mid ah dadkii ka qeyb galay Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha KG ayaa iska wareestay xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Baarlamaanka FS iyo kuwa maamul goboleedyada.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka KG Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maya waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Maxamed Mursal ayaa guddoomiyaasha kulanka ka qeyb galay kala hadlay xaaladii ugu dambeysay ee Soomaaliya iyo qorshayaasha sanadkaan cusub ee 2019.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u balan qaaday Guddoomiyashii uu kulanka la qaatay in tababar loo qaban doono Baarlamaanada maamul goboleedyada inta fasaxa ku maqanyahay Golaha Shacabka. Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Maxamed Mursal Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku soo laaban doonaan degaan doorashadooda ayna ka soo warami doonaan xaaladaha ka jira gobolada SOomaaliya.

Ma jirta wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii kulmay. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanka Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa iney ka baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay kaga qeyb galeen Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka KG Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo la doortay bil ka hor.

Warar kale oo la xiriira