Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Fiqi oo bogaadiyay fekerka “Cafi Walaalkaa” ee Sh. Kiinyaawi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inuu Sh. Maxamed Sh. Ibraahin (Kiinyaawi) la yimid Muqdisho feker wax badan wax ka tari kara dhibta Soomaalida oo, sida uu sheegay, diintoodii ay Al-shabaab ka magac-dileen. Waxa uu tilmaamay in aragtida “Cafi Walaalkaa” ee uu Sheekkhu u ololeynayo ay xambaarsan tahay nuxur wanaagsan, faa’iido bandanna ay u leedahay ummadda.

“Laba maalmood ka hor ayaan la kulmay Sheekha, waxaana ka muuqday daacadnimo iyo qalbi wanaag, iyo inuusan siyaasad gaar ah ama koox gaara toona la qorshe ahayn” ayuu Xildhibaan Fiqi ku yiri dhigaal uu ku soo daabacay Feysbuuggiisa. Waxa uu Xildhibaanku bogaadiyey iney muhiim tahay in la helo culuma-udiin ka madax-banaan fekerka Al-shabaab.

“Waxaa muhiim ah in Diiinteena Islaamka oo dadkeenu ay aaminsan yihiin, oo kooxo ay ka mid tahay Alshabaab ay magac-dileen, la helo culimo kooxahaas ka madax-banaan oo u darban in diinta gacanta dadka Soomaaliyeed lagu soo celiyo, lana helo culimo dadku ay ku kalsoon yihiin oo wax u sheegi kara” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Sh. Maxamed Sh. Ibraahim (Kiinyaawi) ayaa, markii uu soo baxay fekerkiisa maxaadara diimeedka uu doonayey inuu ku qabto Muqdisho kadib, waxa ay dad u badan dhalinyaro ay bilaabeen iney barahooda bulshada ku barbar-dhigaan fanaanad maalmo ka hor kusoo bandhgtay heeso hoolka uu wadaadku ku dhawaaqay inuu ku maxaadareyn doono.

Markii dambe ee uu haddana Sheekhu balamiyey inuu isla-maxaadaradii ku qabanayo Garoonka Kubadda Cagta Banaadir ee Muqdisho 18-kii bishan oo shalay ku beegneyd, waxaa ay dad badan bilaabeen iney siyaasadeeyaan arrinkaas, oo ay ka dhigaan inuu wadaadku u ololeyn rabo siyaasiin gaar ah, gaar ahaan hogaanka dowladda.

Sidaas dadkii baahiyey waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Mahad Salaad, oo markii dambe raaligeliyey wadaadka, kana dalbaday cafis. Sheekh Kiinyaawi, oo arrinkaas ka hadlay, ayaa sheegay in laga been abuurtay, uuna cafiyey dhamaan dadka ka been abuurtay, oo uu ka mid yahay Xildhibaanka.

Warar kale oo la xiriira