Baarlamaanka Senator Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta gaaray magaalada Garowe ee Puntland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Senatorro katirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Puntland oo Sabtida ka dhacayso magaalada Garowe.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa markii uu gaaray Puntland waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Wasiiro iyo masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Puntland. Cabdi Xaashi ayaa loo galbiyay Guri loo diyaariyay inuu dago maalmaha uu ku sugan Puntland isaga iyo Wafdigiisa. Waxa uu madaxda Puntland uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaanada iyo Senatorada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee gaaray Puntland ayaa waxay qeyb ka yihiin madax iyo hogaamiyaal Xisbi oo maalmahaan ku qul-qulaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Dhamaan masuuliyiintaan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Sabtida oo ku beegan 26ka bishaan ka dhacaysa Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo la doortay 8dii bishaan, ayaa Munaasabadda caleema-saarkiisa waxaa lagu marti qaaday Madaxda Dowladda Soomaaliya, Madaxweyniyashi hore ee Soomaaliya sida, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Madaxweynaha ama Raysal Wasaaraha Soomaaliya midkood ayaa ka qeyb galaya Xafladaasi, dad badan ayaa dhowraya Munasaabadaasi oo ay ku kulmayaan Garowe.

Warar kale oo la xiriira