Warar 

Garoowe oo ay isugu tageen Madax, Mucaarad iyo Muxaafad

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa gaaray, kuna sii qulqulaya wufuud kala duwan, oo leh Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Hogaankii hore ee DFS, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud.

Sidoo kale, wufuudda gaartay halkaas, qaarkoodna ay hadda ku siijeedaan, waxaa ku jira xubno badan oo ka tirsan mucaaradka dowladda, waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah mucaarad ay dowladdu aad isaga ilaaliso. Hase ahaatee waxaa, sidoo kale, tagaya goobta Wasiiro ka tirsan Xukumadda Kheyre, oo la filayo inuu ka mid ahaan doono Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye.

Halkaas waxaa shalay tagay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hogaaminayo, iyada oo ay dhamaan Madaxda Dowlad Goboleedyada gaareen Garoowe maanta, kadib markii, si la mid ah masuuliyiinta kale, ay Dowlad Goboleedka Puntland ka heleen casuumaadda ay ku tageen Garoowe. Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa, sidoo kale, Garoowe ka casuuman.

Wufuuddaas waxay dhamaantood ka qeyb-galayaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Karaash, taas oo, sida la qorsheeyey, ka dhici doonta Garoowe maalinta berri ah, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da Janaayo, 2019.

Marka la fiiriyo madaxda iyo masuuliyiinta leh kuwo dowladeed, axsaab siyaasadeed, xildhibaanno iyo siyaasiyiinta kale ee isugu jirta muxaafadka iyo mucaaradka aad isaga soo horjeeda ee isugu tagtay Xafladda Caleema-saarka Deni iyo Karaash, waa warka ugu xiisaha badan ee ay maanta warbaahinta Soomaalida qoreyso.

Inta badan madaxda iyo masuuliyiinta maanta gaartay Garoowe waxaa, markii ay halkaas kula hadleen warbaahinta, ay sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin iney goobjoog ka ahaadaan caleema-saarka Madsxweyne Dene iyo Kuxigeenkiisa Karaash, iyagoo u rajeeyey Puntland hormar amni, mid siyaasadeed, mid bulsho iyo dhaqaalle.

Wasiirka wali xilka sii haya ee Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qar-jab), ayaa suxufiyiinta u sheegay iney munaasabaddaas mamnuuc ka ahaan doonto iney masuuliyiinta ka hadli doonta jeediyaan hadalo iyo farriimo ay fursaddooda siyaasadeed uga faa’iideysan doonaan, si aan loo dhihin hadal xanaf leh oo dhib siyaasadeed horseeda, sida uu hadalka u dhigay.

Warar kale oo la xiriira