Warar 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed, oo ugu dambeyn gaaray Garoowe

Waxaa goordhaweed ka degay magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed, kaas oo ka mid noqon doona madax iyo masuuliyiin hadda ama horay u soo hogaamisay Soomaaliya ee halkaas kaga qeyb-galeysa Caleema-saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Wafdiga Madaxweynihii hore, oo ay ku wehliyaan xubno ay siyaasadda saaxiibbo ku yihiin iyo kuwa ay ka wada tirsan yihiin Xisbigiisa Himilo, ayaa sida la filayo waxaa ka dambeyn doona oo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno uu hogaamin doono, oo iyagan la filayo iney daqiiqado kadib gaaraan Garoowe, si ay uga qeyb-galaan Caleema-saarka Deni iyo Karaash.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa shalay uga sii horeeyey Garoowe wafdi hordhac ahaa iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya (CXS), oo si gaar ah xil isaga saari doona ammaanka Madaxweynaha, kuwaas oo hadda ka mid ah ilaalada sida weyn u sugeysa  ammaanka meelaha la filayo inuu Madaxwynuhu sii mari doono ama tagi doono oo dhan.

Lama sheegin ilaa iyo hadda iney caleema-saarkaas Garoowe u tagi doonaan Reysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

Sida uu qorshuhu yahay, waxaa gelinka dambe ee maanta magaalada Garoowe ka bilaaban doonta Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, halkaas oo ay si ka fool-ka-fool ah ugu wada kulmi doonaan siyaasiyiin si adag isaga soo horjeeda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo la rumeysan yahay iney dowladdu aad ula dagaalsan tahay.

Warar kale oo la xiriira