Warar 

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo lagu dhawaaqay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, oo ka kooban 10 Xubnood. Wasiirada cusub waxaa ku jira Xubin ka tirsan Golaha Wakiillada KGS, waxaa, sidoo kale, ku jira Xubin ka tirsanaa Xukumaddii Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ahaa Madaxweynihii ka horeeyey Lafta Gareen.

Sida ku cad Warqadda Magacaabista Golahan Wasiirada  ee KGS, waxa uu Madaxweyne Lafta Gareen arrinta magacaabista xukumaddiisa kala tashtay Golaha Wakiillada KGS iyo qeybaha kale ee bulshada KGS, isaga oo wasiirada uu magacaabay ku tilmaamay iney yihiin kuwii aqoonta iyo kartida u lahaa hormarinta KGS.

Isaaq Cali Subuk, oo soo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka KGS ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha, halka Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada KGS, uu yahay Wasiirka Waxbarashada KGS. Xitaa, hal dumar ah kuma jirto Xukumadda cusub ee Lafta Gareen.

Sida ku qoran Warqadda Magacaabista Wasiirada Cusub, wasiiradani waa qaar ka mid ah Xukumadda Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxaan halkaas ku xadfan in ay suurtagal tahay in lagu soo kordhiyo xubno kale, oo ka mid noqon doona xukumaddiisa. Tobonka Wasiir ee hadda magacaaban iyo xilalka loo kala dhiibay ayaa ah sida hoose:-

01) Axmed Madow Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Iskaashiga iyo Maalgashiga

02) Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Maaliyadda

03) Maxamed Abuukar Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

04) Isaaq Cali Subuk, Wasiirka Amniga Gudaha

05) Mustaf Cali Iidow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

06) Feysal Cabdullaahi Cali, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

07) Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq, Wasiirka Waxbarashada

08) Cabdiqani Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

09) Axmed Sh. Maxamed Luux, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska

10) Maxamed Cali Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Warar kale oo la xiriira