Warar 

Madaxweyne Lafta Gareen oo kasoo degay Muqdisho oo uu ka tagay isagoo Wasiir ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa maanta, isaga iyo xubno ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan xuumaddiisii uu maanta ku dhawaaqay, waxa uu soo gaaray Muqdisho.

Kama uusan bixin faahfaahin rasmiya sababta imaanshiyihiisa Muqdisho, oo ah markii ugu horeysay oo uu yimaado isaga oo ah Madaxweynaha KGS, wuxuuse siyaasiyiin kusoo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle u sheegay in ay tashan doonaan.

Si kooban ayuu u yiri “Waan is warsan doonaa, waxaana u nimid arrimo shaqo, haddii ay dhamaadaanna waan baxaynaa”, isaga oo intaas raaciyey inuu ka mahadnaqo sida loogu soo dhaweeyey Muqdisho, oo uu ka tagay bishii October ee sanadkii hore isaga oo ah Wasiir, si uu KGS uga noqdo Madaxweynaha uu ku guuleystay 19-kii Diseembar, 2018.

Imaanshiyihiisa Muqdisho ee maanta ayaa ku soo beegantay saacado kooban kadib markii uu Baydhabo kaga soo dhawaaqay 10 Wasiir, oo ka mid ahaan doona Xukumaddiisa, kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin qaar ka mid ah Wasiirada Xukumaddiisa ku jiri doona.

Wasiiradaas waxaa ka mid ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada KGS, waxaana sidoo kale ka mid ah Wasiir hore oo ka tirsanaa Xukumaddii Shariif Xasan Sh. Aadan. Xukumaddaas dumar kuma jiro, waxaase ku badan dhalinyaro, kuwaas oo ay u hambalyeentoodu qabsatay maanta baraha bulshada Soomaalida.

Warar kale oo la xiriira