Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Fiqi: Goormee Madaxda Filla Soomaaliya la dagaali doonaan Al-Shabaab

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqin: Madaxda Filla Soomaaliya (Villa Somalia), tan iyo intii meesha ay yimaadeen, waxey wadaan saddex dagaal:-

1. Dagaal ka dhan ah Dawlad Goboleedyada;
2. Mid ka dhan ah madaxdii dalka soo xukuntay iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mid
3. Dawlado saaxiib la ahaa Soomaaliya iyo hay’adaha caalamka qaarkood ay ku qaadeen.

Al-Shabaab iyo Daacish, oo Ummadda Soomaaliyeed laynaysa, wax dagaal ah illaa iyo hadda laguma qaadin, mana muuqato in olole noocaas ah uu socdo!!

Shaqada ugu weyn ee xafiiska Madaxweyne Farmaajo waa dacaayaadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay ama siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan.

Illaa iyo goormee ayay soconaysaa in lacagtii qaranka loo adeegsado aflagaadayn iyo xadgudubyo madax hore.

Video-gii shalay baraha bulshada la soo geliyey ee jacburka ahaa waxay u muuqataa in lagu daboolayo shirka shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo ee Landhan (London) ka dhacaya maalinta Khamiista ah (07 Febraayo).

Caqli noocee ah ayaa lagu sheegi karaa inuu ku jiro qolo waxay madaxdii hore ku dacaayadaynayaan wax ka xun ayagu gacanta kula jira?!

Soomaalida UK iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in si weyn looga hortago shirka aan sharciga ahayn ee khayraadka Soomaaliyeed sida raqiista ah loogu xaraashayo.

Xildhibaan Axmed Macali Fiqi

Warar kale oo la xiriira