Warar 

Shir lagu qorsheynayo shaqo lagu qabyo-tirayo Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

Shir ay Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ugu magac-dartay “Banbax-hawleedka u dhaxeeya hay’adaha u xil-saaran Dib-u-eegista Dastuurka” ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Inta uu shirkan u socdo hay’adahaas haya shaqad lagu qabya-tirayo dastuurka ayey Wasaaradda Dastuurku sheegtay in ay isku soo hadal-qaadi doonaan shaqooyinkii ay horay uga soo qabteen dhameystirka dastuurka.

“Shirkan waxay saddexda hay’adood uga arrinsan doonaan hormarkii ay ka sameeyeen dib-u-eegista dastuurka” ayaa lagu yiri war ay Wasaaradda Dastuurku soo dhigtay barta ay xogaheeda ku faafiso ee Feysbuugga. Warkaas waxaa, sidoo kale, lagu sheegay in ay hay’adahaasi ka doodi doonaan qorshaha loo baahan yahay in loo diyaariyo sii dhameystiridda dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Qeybdiid

Saddexda hay’adood ee uu shirkaas uga furmay Muqdisho ayaa kala ah Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka oo warkan baahisay. Wasaaraddu ma sheegin inta uu shirkan socon doona iyo haddii ay jirto cid kale oo ku wehlisay shirkaas looga hadlayo shaqooyinkii horay looga soo qabtay dastuurka iyo kuwa u harsan ee la qorsheynayo hadda.

20-kii bishii hore ayaa Guddiyada Dastuurka ka shaqeynaya, oo uu hogaaminayo kan Madaxa-banaan ee Qaranka, oo lagu daray Wasaaradda Dastuurka, waxa ay Nayroobi-Kenya kusoo gabagabeeyeen shir halkaas uga socday muddo 7-aad ah, waxaana halkaas lagu diyaariyey 5 curub (1-aad, 12-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad), oo sida la sheegay lagu wareejin doono Guddiga Madaxa-Banaan ee Dastuurka, kaas oo horay loogu wareejiyey 10 cutub oo kale.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Dastuurka Soomaaliya Maxamed Daahir Afrax

Inta lagu guda jiro sanadkan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) laga doonaya in ay dhameystirto dastuurka, oo ay qabyada ka saarto, si ay Soomaaliya u yeelato Dastuur Rasmiya, taas oo ay Xukumadda iyo Baarlamaankuba balan qaadeen. Sida ay marar badan siyaasiyiinta Soomaalidu ka dhawaajiyeen, Dastuurka Ku-meel-gaarka ah waxaa ku jira qodobbo iska hor imaanaya ama iska hor keenaya hogaanka iyo hay’adaha waa weyn ee dowladda.

Madasha Shir Madaxda Hay’adaha Qabyo-tirka Dastuurka Soomaaliya uga furmay Muqdisho

Warar kale oo la xiriira