Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Xidig: Waxaan ka fileynaa Jubbaland doorasho la mid ah tii Puntland

Bismilaah: Taariikhda isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo taxanaha ambabixinta Xubnaha Isbahaysiga Dowlad Goboleedyada iyo bah-wadaagtooda Fari Kama Qodna Faanoole!
Masuul kasta, oo xil haya, wuxu leeyahay muddo kooban oo uu xilka haynayo: ha la doorto
ama hala magacaabo.

Masuul kasta waxaa ku haboon, marka la gaaro dhamaadka mudada xil hayntiisa, intuu meel iska dhigo rabitaanka uu wali u hayo kursiga, inuu muraayad hor istaago dibna u fiiriyo wax-qabadkiisii mudaduu xilka hayey, islamarkaana uu fahmo rabitaanka bulshada, asagoo qiimeeynaya mustaqbalka ka horeeya, kana run sheegaya muuqaalka u soo baxay.

Markaas waa inuu qaataa 2 go’aan midkood: 1) Waa inii sidii MadaxwIynihii Koonfur Galbeed
Sharif Xasan Shekh Aadan qaadato go’aan ah “Waayeel Cararkii Waa intaan La Arkeynin”, noqotaana oday qiimo, ixtiraam iyo karaamo mudan marwalba ama 2) inaad sidii Madaxweynihii Puntland ku kalsoonaato nasiibkaaga, oo aad qabato doorasho loo siman yahay, ugu danbayna ku qanacdo codadka dhalada kaaga soo baxa.

Fiiro Gaara Uyeelo

Maxaa laga bartay doorashooyinkii kasoo dhacayey Soomaaliya 2016 ilaa tii u danbeysay ee Maamulka Puntland?

Waxaa laga bartay in A) masuul kasta, oo isku daya inuu Baarlamaanka ku soo darsado Xubno uu isleeyahay way kuu codeyn doonan, uu wareega 1-aad ee doorashada ku hadho iyo B) masuul kasta, oo iskudaya inuu lacagtii shacabku lahaa ee ay ahayd inuu ku bixiyo mushaarka ciidamada kulaylka iyo dhamacda taagan, Xildhibaannada iyo waliba Shaqaalaha Dawlada ku iibsado codadka Xildhibaannada, oo jawaabta uu mudan yahay ay Xildhibaannadu ku siiyaan hoolka doorashadu kasocoto, ugu danbayna ka baxa goobta doorashada, isagoo jahwareersan oon
lacag iyo codad midna gacanta ku haynin.

Baaqeyga Doorashada Jubbaland

Doorashada Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ee haddii Rabbi idmo hadda lagu talagalayo, waxaan u rajeynayaa inay noqoto mid daah-furan, xor iyo xalaalna ku qabsoonta.

Salaadiinta, odoyaasha, haweenka, dhalinyarada, ciidamada iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland waxan ugu baaqayaa, iyagoo ilaalinaya amaanka, xasiloonida, iyo u hogaansanka shuruucda, inay diiradda saaraan talaabada 1-aad ee doorashada, oo ah inay rabitaankooda ku soo xushaan xildhibaanadii Baarlamaanka Jubbaland u matali lahaa.

Hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inuu horseedo doorasho daah-furan, oo baal dahaba lagu qoro, lana mid noqoto doorashadii ugu danbeysay ee ka dhacday Puntland.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay tixgeliso rabitaanka shacabka Jubaland, lagana fogaado faragelin iyo qof jeclaysi.

Mahadsanidiin

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

Warar kale oo la xiriira