Falanqeyn Warar 

Xildhibaan Fiqi “Hey’adda NISA Hangashtii u Ekaa”

MUQDISHO, 05 FEB 2019 (KALFADHI)-Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar Afka ah ku qaaday Taliska Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kadib qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xildhibaan Fiqi ayaa ka hadlay qoraalada ay Internet-ka soo dhigaan Taliska hey’adda oo ay ku faah faahiyaan howlgalada ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo hey’adda oo aan Taliye lahayn bilooyinkii la soo dhaafay waxa uuna yiri ” Ma ahan markii koowaad oo twitter duulaya looga jawaab-celiyo ama lagu soo aadiyo xilli dhimashada iyo Dhaawac ka dhashay qarax ay Alshabaab sameeyeen umaddu la ooyayso, kaasoo u muuqata in lagu daboolayo dayacaadda iyo fashilka mas’uuliyaddii ka saarnayd in ay umadda ay ka ilaaliyaan dilalka iyo qaraxyada dhiig-yacabka Alshabaab” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho lagu waayo dad muhiim ah oo isugu jira shaqaale Dowladeed , Shacab iyo Ciidan arintaasina aysan jirin cid loo ciqaabay ama xilkeeda ku waysay. “Waxaa wax la yaabo ah oo in la isweeydiiyo u baahan, qarax kasta oo dhaca waxaa la aasaa tobonaan dadkii haldoorka ah ee bulshada ku jiray ama dad saraakiil iyo shaqaale dawladeed ah, mana jirto cid loo xisaabiyo ama loo soo istaajiyo” ayuu yiri Axmed Macalim Fiqi.

“Yaa umadda u fasiri kara sida ay ku soo gaari karaan ubucda meel aysan u fududeyn dadka caadiga ah in ay soo gaaraan sida goobtii shalay qaraxu ka dhacay ama kii ka horeeyey ee afaafka hore ee tiyaatarka ka dhacay, maxaase looga maqli la’yahay cidda amniga ka mas’uulka ah qorshayaal dadka aminigooda lagu sugaayo waa kuwa maalin walba idaacadaha la soo taagan hub ayaan aruurinaynaa! Ma Alshabaab ayaa dadka loo gacma-qabanayaa, maxaase alshabaab hubka iyo qaraxyada looga qaadi la’yahay. Ay dadka ku laayaan” ayaa hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Fiqi

Axmed Macalim Fiqi ayaa ku taliyay in hey’adda NISA loo magacaabo taliye aqoon fog u leh ammaanka wax badana ka qaban kara dhibaatooyinka ka taagan magaalada Muqdisho. “hey’adda NISA oo shaqo muhiim ah qaranka u heysay muddo lix bilood ku dhow ma lahan taliye, taliye ku xigeenkeeduna wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha siyaasadda inta badan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Fiqi. “NISA shaqadeedii waxaa loo bedelay, Shaqadii ay kacaankii u qaban jirtay hey’addii la dhihi jiray HANGASHTA oo ah mid madaxda dalka, dadka ka aragtida duwan ku howlan oo dabagasha” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xildhibaan Axmed Macali Fiqi.

Warar kale oo la xiriira