Falanqeyn Warar 

Xildhibaan Gama’diid oo diiday ka qayb galka Shirka London ee looga hadlayo Shidaalka Soomaaliya

Yuusuf Xuseen Axmed oo loo yaqaano Gama’diid, islamarkaana ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegay in uusan ka qayb galayn Shirka looga hadlayo Kheyraadka Soomaaliya gaar ahaan Shidaalka ee dhawaan ka dhacay magaalada London ee dalka UK.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in shirkaas lagu casuumay balse uusan ka qayb gali doonin isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee BFS, waxaa kale uu sheegay in ay isha ku haayaan waxa shirkaas uu ku saabsan yahay dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

“Anigoo ah Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee BFS, Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo inaana ku jirin qeybna ka aheyn shirka London, waxaan arkaa in magaceygu qeyb kayahay invitation-ka”, ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Ka guddi ahaan aad baan isha ugu haynaa, waxaana ka hadli doonnaa xog-aruurin aan wadno markeey innoo soo idlaato” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid o ah Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee BFS ayaa sidoo kale katirsan Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, waxaa lagu tirayaa Xildhibaanada mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira