Warar 

Farmaajo oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka codsaday Wada-shaqeyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guiteres. Sida lagu qoray Bogga Filla Soomaaliya, waxaa Farmaajo iyo Guiteres ay ka wada hadleen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u joogaa Adis Ababa inuu halkaas uga qeybgalo Kulan uu Ururka Midowga Afrika ku leeyahay, hase ahaatee fadhiga uu la yeeshay Guiteres ayaa ahaa shir-doceed, waxaana ku wehliyey saraakiil ka tirsan Xukumaddiisa, sida Wasiirka Arrimaha Dibbadda, Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Daalle), Danjiraha Soomaaliya u jooga Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cali Shariif Axmed iyo Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo, Balal Cusmaan.

Farmaajo iyo Guiteres oo isa soo hor-fadhiya, hareerahana ay ka fadhiyaan saraakiil ka kala tirsan DFS iyo QM

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore qoray warqad keentay in dalka laga eryo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ncklos Haysom, kadib markii ay DFS qoonsatay warbixin uu ka soo saaray dhacdooyin isugu jira amaan xumo iyo awood sheegasho dowladeed, taas oo uu wax ka weydiiyey Xukumadda Soomaaliya.

Go’aankaas dad badan ayaa dhaliilay, kuwana waa ammaaneen, balse waxa uu hirgalay iyada oo uu Antomio Guiteres sheegay inuu arrintaas darteed laba jeer u soo wacay Madaxweyne Farmaajo, si uu wax uga beddelo go’aanka ka saaridda Soomaaliya ee Haysom, hase ahaatee uu ku guuldareystay inuu wax ka beddelo, waana uu ka shalaayey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhigmada Filla Soomaaliya ee kulanka Farmaajo iyo Guiteres

Warar kale oo la xiriira